Dal soo dalbaday lacagtii laga helay iibka Chelsea oo xayiran (Abramovich oo jeediyey in la siiyo dal Muslim ah)

0

(London) 29 Nof 2023 – Dowladda Britain ayaa la waydiistey inay bixiso lacag lagu qiyaasay 3 bilyan oo doollar oo laga dhacay ganacsadaha Ruushka ah ee la cunaqabateeyey ee Roman Abramovich oo ahaa milkiilihii laga fara maroojiyey kooxda Chelsea.

Israa’iil ayaa halkii laga siin lahayd Ukraine iyadu lacagtan dalbatay, sida uu sheegay The Telegraph Talaadadii. Lacagtan ayaa ka timid iibkii kooxda kubadda cagta ee Chelsea oo uu lahaan jiray maalqabeenkani. Isaga laftiisa ayaana la sheegay inuu lacagta u ballanqaaday dhibanayaasha dagaalka Ukraine.

Balaayiinkaas oo aan wali la taaban, soo jeedinno ku saabsan halka kharashaadkan lagu bixinayo ayaa la keenay, sida laga soo xigtey ilo uu soo xigtey wargaysku.

Mid ka mid ah dadka u dhuun daloola arrimahan ayaa sheegay in Abramovich uu ka walaacsan yahay in sumcadii uu ku lahaa Moscow iyo xiriirkiisu ay meesha ka baxaan, haddii dhaqaalahan la siiyo Ukraine.

In lacagta lagu bixiyo arrimaha bini’aadannimo ee Israa’iil kaddib weerarkii Oktoobar 7 ee kooxda Falastiiniyiinta ah ee Xamaas ayaa xallin kartta ismari waaga jira, sida ay ishu u sheegtay The Telegraph.

Markii hore, Abramovich wuxuu sidoo kale soo jeediyey in loo isticmaalo lacagtan in lagu caawiyo dhibanayaasha dhulgariirkii bishii Febraayo ka dhacay Turkiga, sida lagu sheegay warbixinta.

Ilaha kale ayaa sheegaya in Israa’iil ay waddo wadahadallo ku saabsan suurtagalnimada leexinta lacagaha iyada oo aan xitaa la ogaysiin Abramovich.

Ganacsadahan Yuhuudka ah ee u dhashay Ruushka ayaa “deeq bixiye wayn” ka ahaa gudaha Israa’iil, sidaa darteed “Israa’iiliyiintu waxay waydiisteen Boqortooyada UK … in haddii ay ka fikirayaan bixinta lacagtan in loogu deeqo dib u dhiska Israel,” qof xog-ogaal u ah arrintan ayaa waxaa sidaa kasoo xigtey wargayska.

“Fahamkayga ayaa ah in dowladda UK ay Israa’iil u jeedisey maya wayn.” ayay ishu raacisay.

Hadalsame Media