Laacibka Ronaldo oo xalay sameeyey arrin si wayn loogu ammaanay (Daawo)

0

(Riyaad) 28 Nof 2023 – Jookarka Cristiano Ronaldo waxa uu sameeyey arrin yaab leh intii lagu jirey Ciyaartii Al-Nassr ee Champions League ay la ciyaareen Persepolis Isniintii.

Arrintan ayaa dhacday laba daqiiqo uun markii ay ciyaartu socotey markii xidiggii hore ee Liverpool ee Sadio Mane uu kubbad u karoosay isaga oo la raadinaya Ronaldo.

Ronaldo ayaa markii ugu horreysey isku dayey inuu sameeyo darbo goolka aad ah laakiin markii taas laga baloogay ayuu markale shuud raadiyey iyadoo kubbadu kusii dhacday qof ku jira xerada ganaaxa.

Garsooraha ayaa si deg deg ah u tilmaamay booska rigooraha laga rido taasoo ay rumaysan waayeen ciyaartooyda Persepolis.

Ku celiska ayaase muujiyey in aysan jirin wax taabasho ah oo lagu sameeyey Ronaldo, waxaana lagu amaanay xiddigga reer Portugal inuu si deg deg ah cagihiisa ugu istaagey fartiisana uu u lulay garsooraha si uu ugu sheego inuu saxo go’aankiisa, isagoo muujinaya inuusan rigoore ahayn.

Hadalsame Media