10 calaamadood oo lagu garto kansarka oo ay adagtahay in si fudud lagu ogaado

0

(Hadalsame) 28 Nof 2023 – Dad badan, marka ay maqlaan ereyga kansarka, waxay la xiriiriyaan cudur halis ah oo cawaaqib xun leh.

Laakin laga soo bilaabo 70-meeyadii, heerka badbaadada ee xanuunkan ayaa kordhay sababo la xirira ogaanshaha cudurka ee xilli hore sidaa darteed waa la daweyn karaa ka hor inta uusan aad jirka kale ugu faafin.

Dhibaatadu waxay tahay inta badan, sababtoo ah ma rabno inaan dhibno dhakhtarka ama ma siinno muhiimad ku filan, waxaan iska indhatiraa calaamadaha qaar oo muhiim u ah ogaanshaha hore.

Dhibatada ugu weyn waxay ka timaaddaa marka uu qofka iska indha tiro ama uu ka wahsado inuu booqdo dhakhtarka.

BBC laanta Mundo waxa ay qeexaysaa 10 calaamadood oo uu leeyahay xanuunka kansarka balse aan lagu baraarugsanayn ayna tahay inaadan iska indhatirin, sida laga soo xigtay Ururka Kansarka Maraykanka.

1. Miisaanka oo luma sabab la’aan

Miisaanka oo luma sabab la'aan

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Inta badan dadka qaba kansarka mar uun baa miisaankooda hoos u dhacaya.

Markaad miisaan lumiso sabab la’aan, waxaa loo yaqaanaa miisaan lumis aan la sharraxin.

Miisaanka oo is dhima 5 kiilogaram ama ka badan ee aan la sharraxin waxay noqon kartaa calaamadda ugu horreysa ee kansarka.

Calaamadan ayaa waxaa badanaa lagu arkaa dadka uu haleelo kansarka ku dhaca beeryarada, caloosha, hunguriga, ama sambabada.

2. Qandho

Qandhada waxay aad ugu badan tahay bukaanada qaba kansarka, in kasta oo ay marar badan dhacdaa ka dib marka uu kansarku ku faafo qeybaha kale ee jirka.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qandhada waxay aad ugu badan tahay bukaanada qaba kansarka, in kasta oo ay marar badan dhacdaa ka dib marka uu kansarku ku faafo qeybaha kale ee jirka.

Ku dhawaad qof kasta oo qaba kansar ayaa mar uun qandho yeelan doona, gaar ahaan haddii kansarku ama dawayntiisu ay saamayso hab-dhiska difaaca.

Qandhada waxay noqon kartaa calaamad hore ee kansarka, gaar ahaan kansarka ku dhaca dhiigga ama unugyada.

3. Daal

Daalkan ayaa lagu tilmaamay mid aan dhammaan xitaa marka uu qofka nasto.

Waxa uu calaamad u noqon karaa xanuunka kansarka ka dib marka uu faafo.

Blase, kansarrada kale, sida kansarka ku dhaca dhiigga, daalka ayaa la dareemi karaa xilli hore.

Qaar ka mid ah kansarrada mindhicirka ama caloosha waxay keeni karaan dhiigbax aan muuqan.

Tani waa sabab kale oo uu kansarku u keeni karo daal.

4. Maqaarka oo isbedela

Marka laga soo tago kansarka maqaarka, kansarrada kale ayaa waxay sidoo kale keeni karaan isbeddel dhanka maqaarka oo la arki karo.

Calaamadahaan iyo astaamahan waxaa ka mid ah:

Madowa ma mugdi soo galo maqaarka (hyperpigmentation)

Midabka maqaarka iyo indhaha oo jaalle noqda (cagaarshow)

Maqaarka oo casaada (erythema) iyo Cuncun.

Koritaanka timaha oo sare u kaca.

6: Isbeddelka shaqada mindhicirka ama shaqada kaadiheysta

Calool istaag joogto ah, shuban, ama isbedelka qaabka saxaradaada waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Calool istaag joogto ah, shuban, ama isbedelka qaabka saxaradaada waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka.

Dhanka kale, xanuun xilliga kaadida, dhiig la socda kaadida, ama isbeddelka shaqada kaadiheysta (sida kaadida oo badan ama yar) ayaa laga yaabaa inay la xiriirto kaadiheysta ama kansarka qanjirka ‘prostate’.

6. Dhaawaca aan bogsanin

Dad badan ayaa og in burooyinka weynaada, dhaawaca ama dhiigbaxa ay noqon karaan calaamadaha kansarka maqaarka, laakiin sidoo kale waa inaan ka taxadarnaa nabarrada yaryar ee aan bogsanin wax ka badan afar toddobaad.

Boogaha afka oo aan bogsan waxaa laga yaabaa inuu sabab u yahay kansarka afka.

Isbeddel kasta oo afkaaga ku dhaca oo soconaya waqti dheer waa in isla markiiba uu hubiyaa dhakhtarka ama dhakhtarka ilkaha.

Nabarrada ka soo baxa xubinta taranka waxay noqon karaan calaamadaha caabuqa ama kansarka marxaladda hore, waana in uu hubiyaa xirfadle caafimaad.

7: Diig lagu arko saxaharada, kaadida, ama ibta naaska

haddii dhiig uu la socdo saxarada (kaas oo noqon kara midab aad u madow) waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Dhanka kale, haddii dhiig uu la socdo saxarada (kaas oo noqon kara midab aad u madow) waxay calaamad u noqon kartaa kansarka mindhicirka.

Kansarka ilmo-galeenka ee endometrium (xuubka ilmo-galeenka) wuxuu keeni karaa dhiig-bax aan caadi ahayn.

Sidoo kale, dhiig kaadida la socoda wuxuu noqon karaa calaamadda kansarka kaadiheysta ama kansarka kelyaha.

Dhiigbaxa ibta naaska ayaa noqon kara calaamad kansarka naasaha.

8. Qallafsanaan ama culeys meel kasta oo jirka ah

Kansarrada intooda badan waxaa laga dareemi karaa maqaarka.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kansarrada intooda badan waxaa laga dareemi karaa maqaarka.

Kansarradani waxay inta badan ku dhacaan naaska, qanjirka kaadida, qanjirrada loo yaqaan (lymph nodes), iyo unugyada jilicsan ee jirka.

Miisaanka ama qallafsanaanta waxay noqon kartaa calaamad hore ee kansarka.

9. Liqitaanka oo kuugu adkaado

Hoos u dhaca dheefshiidka ee joogtada ah ama liqidda oo kuugu adkaata waxay noqon kartaa calaamad ka mid ah kansarka cunaha.

Hase yeeshee , qaar badan oo ka mid ah calaamadahan, waxaa badanaa keena sababo aan ahayn kansarka.

10. Qufac joogto ah ama codka oo xirma

Qufac joogta ah wuxuu calaamad u noqon karaa kansarka sanbabada.

Waxaa laguugula talinayaa inaad booqato dhakhtarka haddii aad qufaceyso in ka badan saddex toddobaad.

BBC

Hadalsame Media