Xamaas oo la sheegay inay weerarkii 7dii Oktoobar qorsheeyeen bil kale & Sababta dib u dhigtay?

0

(Tel Aviv) 27 Nof 2023 – Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee fadhigeedu yahay Qasa ayaa markii hore doonayey in ay fuliyaan weerarkii 7-dii Oktoobar intii lagu guda jirey ciidda Yuhuudda ee Passover, taasoo ku beegnayd 5-tii Abriil ee sannadkan, sida uu sheegay TV-ga Israa’iil ee Channel 12, isagoo soo xiganaya ilo-wareedyo ka tirsan sirdoonka millateriga ee dalkaas.

Sirdoonka Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa ka war helay weerarka qorshaysan, iyagoo ogaadey diyaargarowga Xamaas, sida ay warbaahinta u sheegeen askar ka tirsan qaybta 8200 ee sirdoonka.

Xogta kaddib ayaa lagu soo warramayaa inay taasi keentay in ciidanka IDF ay kordhiyaan heerka feejignaanta, taasoo sababtay in kooxda Falastiintu ay ka tanaasulaan qorshihii hore.

Xamaas, ayay ilo-wareedyadu ku andacoonayaan, inay markii dambe diiradda saareen inay aad u qariyaan qorshayaashii xigey, sida duullaankii dib loo qorsheeyey ee markii dambe dhacay 7-dii Oktoobar.

Hadalsame Media