”Waa wax laga yaxyaxo” – Halyeey hore oo Man United ah oo dhaliilay arrin ay shalay muujisay kooxdaasi

0

(Liverpool) 27 Nof 2023 – Roy Keane ayaa waxa uu dhaleeceeyey macallinka Erik ten Hag kaddib markii maamulaha Manchester United ku amaanay inuu Bruno Fernandes u oggolaaday Marcus Rashford inuu  rido rigoore muhim ahaa Axaddii oo ay 3-0 kaga badiyeen Everton.

Rashford ayaa goolkiisii labaad ee xili-ciyaareedkaan ka dhaliyey goolka kooxda Goodison Park, wuxuuna laba laabay hoggaanka United horraantii qaybtii dambe ee ciyaarta.

Waxa uu u sheegay Sky Sports: “Waxa uu macmacaan abaalmarin ah u siinayaa Bruno inuu kubad rigoore ah u daystey laacib kale. Waa sheeko maalaa yacni ah runtii,”

”Manchester United hadda waxay ku jirtaa kaalinta lixaad – haddii aad dhowr sano dib u laaban lahayd, haddii aad (Man Utd) ahaan lahayd aad lixaad ku jirtid ”waad is ceebsan lahayd.

“Laakiin sida iska cad waxay u muuqdaan kuwo ku faraxsan kaalinta lixaad. Jid dheer ayaa sugaya. Manchester United waa inay la tartanto kooxaha ugu fiican (horyaalka). Kuwaana waxaa ku jira Liverpool, [Manchester] City, Arsenal.” ayuu soo jeediyey Keane.

Si kastaba, inkasta oo uu Keane dhaleeceeyey, haddana Ten Hag ayaa yara ka nasan doona dhaliisha guud ee taagan maadaama ay kooxdiisu ay awoodey inay gaarto guusheedii shanaad 6dii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League iyagoo isha ku haya inay si xun ku bilowdaan xill-ciyaareedkan.

Waxa ayse haatan wajahayaan kulan adag oo Champions League ah oo ay kula ciyaarayaan Galatasaray magaalada Istanbul Arbacada, waxaana ninka reer Holland uu ku faraxsanaa inuu dib u arko Rashford oo shabaqa soo taabtay kaddib qaab-ciyaareedkan oo uu si laadata ku bilowday.

Hadalsame Media