”Aan Somalia ku tijaabinno!” – Muxuu yahay qorshaha xiga ee EAC (Maxaad ka ogtahay mashruuca EAF?!)

0

(Hadalsame) 27 Nof 2023 – Soomaaliya ayaa 24-kii bishan si rasmi ah uga mid noqotey Ururka Bulshada Bariga Afrika, iyada oo hadda laga bilaabo oo fududaanayo isku-socodka, isdhexgalka iyo ganacsiga Bariga Afrika.

Soomaaliya waxay ku biirtay dalalkii horay ugasii tirsanaa EAC; Burundi, DR Congo, Kenya, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania.

Haddaba, waad maqashay EAC, balse waxaan laguu sheegin mashruuc kale oo ay wadaan oo loosoo gaabiyo EAF, kaasoo ah qorshe ku saabsan Federaysan siyaasad ahaan lagu midaynayo dalalka ku jira EAC.

Waxaa arrintan maqaal uu bishii Maajo ku qoray East African Charles Onyango-Obbo oo Kenyan ah lagu sheegay in ujeedka federayshanka soo socdaa uu yahay in dal kastaa uu yeesho dowlad u dhaqmaysa sidii gobol ka tirsan federayshanka balse ay xuduuduhu isu wada furan yihiin oo aad dal kasta ka geli kartid meeshii aad doonayso iyo goortii aad doonayso adigoo aan fiise wadan.

”Waa sida adiga oo Nairobi jooga oo raba inaad Kampala aaddo. Si kastaba ha ahaatee, halkii aad halkaas aadi lahayd Busia ama Malaba, waxaad sii maraysaa xadka Tansaaniya iyo Kenya ee Namanga,” ayuu qoray Onyango.

Wuu sii hadlay isagoo sharraxaya in marka federayshankan la dhiso ay jamhuuriyadaha ku jiraa noqon doonaan sidii kuwii ku jirey Soofiyeetkii isagoo tusaale usoo qaatay in madaxdoodu ay noqon doonaan sida ”Barasaabyada Degmooyinka Ismaamullada Kenya (Kenya’s County Governors)” balse ay awooddu la taallo qofka fadhiisan doona caasimadda federayshanka oo uu ku sheegay magaalada Caruusha, Tansaaniya.

SIDEE LOO HIRGELINAYAA? Maqaalka oo dheer waxaa lagu xusay qaabka la doonayo in loogu gogol xaaro federayshankan waxaana la qaadayaa 3 tillaabo oo kala ah;

1 – In la mideeyo kastammada, 2 – In la mideeyo lacagta iyo kaddib 3 – In la mideeyo ciidanka.

”AAN SOMALIA KU TIJAABINNO!” Wuxuu qoraagu soo jeediyey in marka hore la mideeyo ciidanka ATMIS ee Somalia jooga iyo kuwa Somalia, kaddib markii halkaa lagasoo jeesto waa in loo diraa Congo DR oo hubka laga dhiga. Markaa kaddib waa in ciidankaa isku jira ee dalalkani leeyihiin laga dhigaa ”Ciidankii Qaranka EAF.”

Halkan kasii aqri….

Haddii aan soo koobo, waxaa wanaagsan in shacabka Soomaaliyeed ay ra’yi ku yeeshaan ku biirista EAC islamarkaana dadwaynaha loo sharraxo faa’iido iyo dhib wixii ku jira (pros & cons) si la isu barbardhigo, waana in baarlamanka la marsiiyaa kaddib marka heshiiska lasoo bandhigo. Qoraal kale ayaan taana ka samayn doonaa insha ALLE.

W; T: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media