ISKA JIR! Cuntooyin ay Soomaalidu jeceshahay oo inta badan sabab u ah cudurka faaligga (Kuwa lagu taliyey?)

0

(Hadalsame) 26 Nof 2023 – Xanuunka Istarooga ama dhan qalalku waa natiijo ka timaada waxyeelo maxkasda ah, kaas oo ku dhaci kara waqti kooban gudahiis. Waxaa suura gal ah in qofku dareeemo kabuubyo gacmaha iyo lugaha ah, iyo hadalka oo googa’aya taas oo u baahan inaa dhaqtar la xiriirto.

Xanuunkan ayaa ka dhex dhacaa maskaxda iyo xididida waraabiya, kuwaas sababa in xididadu xirmaan ama dilaacaan. Inta badan 85% waxaa keena xididada xirma oo ah kuwa ugu saamaynta xun, sida ay qabaan dhaqaatiirtu.

“Maskaxda waxay leedhaay unugyo yar yar oo nool oo loo yaqaano Neurons kuwaas waxaa loogu yeeraa askarta shaqaynaysa, waxaana lagu qiyaaso boqol bilyan oo unug balse waxaa ka badan kuwa iyaga ilaaliya ee ka shaqeeya ilaalinta kuwa shaqayna si ay u helaan daryeel,” ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ka mid ah dhaqaatirta Soomaalida.

Dkaqtar Gaboose ayaa sharraxay in guud ahaan unugyada maskaxda ay u samaysan yihiin qaab ay isku caawin karaan.

“Maskaxdu waxay ledahay kayd ka yar kuwa murqaha jirka oo haddii ay waydo dhiiga waxaa durba bilowda dhimashada xididada,” ayuu yiri Dr Gabboose.

Faaligga ama dhan-qalalku waxaa uu ka mid yahay saddexda xanuun ee bini’aadamka ku dhaca ee loo dhinto, wuxuu kaloo kaalinta labaad ka gala xanuun kasta oo ku dhaca bini’aadamka ee curyaanimada uga taga

Qiyaasaha ayaa muujinya in cudurka Faaliga uu in kabadan 12 milyan oo qof uu caalamka aafeeyo sanadkiiba.

Maxaa sababa Faaligga ama Istarooga

XANUUNKA FAALIGA

Sida ay sheegeen Ururka Caalamiga ee Dhan-qalalka ee magacooda loo soo gaabiyo (WSO) in afartii qofba bani’aadamka uu mid istaroog ku dhici doona inta aan nool nahay.

Sababaha ugu badan ee xanuunkan waxay u kala baxaan laba qaybood oo kala ah; kuwa wax laga badali karo iyo kuwa an waxba laga badali Karin sida uu sheegay Dr Gabboose.

Gabowga iyo hidaha raaca ayaa ah labada sabab ee an waxba laga qaban Karin ee faaliga ama Strokega sababa.

Sida daraasada WSO muujinayso 90% istaroogga waxaa looga hortagi karaa iyadoo wax laga qabanayo tiro yar oo khatar ah oo ay ku jiraan dhiig karka (hypertension) iyo garaaca wadnaha oo aan joogto ahayn (atrial fibrillation).

Dhanka kale siyaabo kale oo looga hortagi karo xanuunkaa ayaa waxaa ka mid ah, “Jiijinta isticmaalka tubaakada, sigaarka, subaga,macaanka,jimicsi la,anta,” sida uu sheegay Dr. gabboose.

Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ayaa ku talinaya in la kordhiyo la socodka taxadarka la xirira in aad lixdii biloodba mar ay ogaato waxa keeni kara xanuunkan faaliga.

Dadka da’doodu wayn tahay ayaa u badan in xanuunka faaligu ku dhaco gaar ahan da’adda lixdanka kor u dhaafay sida Dr Gabboose ku sheegay sharaxaadiisa cudurkan.

Raga ayaa inyar kaga badan dumar xanuunka faalidka ama istarooga sida uu xusay Dr Gabboose.

Waxyaabaha soo dadajiya xanuunka

DHAQTAR GABBOOSE
DR.Maxamed Cabdi Gabboose

Sida uu xusay Dr Maxamed Cabdi Gabboose, cunooyinka ayaa qayb ka noqon kara inaa halista xunuunka kugu dhaweeyaan sida cunooyinka macaanka leh.

Sonkorta, subagga iyo cunooyinka bariiska ama baastada ayuu dhaqtarku ku tilmamaay kuwo u baahan inaa iska dayso si aad ugu badbaado xanuunkansi.

Jimicsiga jirka ama socodka ayuu ku tilmamaay in la sameeyo maalintii saacado ka mida si dhiigu u dhaqaaqo.

Dr Maxamed Cabdi Gabboose ayaa Soomaalida ugu baaqay inay isticmaalaan cunooyinka dubka leh ama ka baxa dalka kuwaas sheegay inay caafimaad ahaan ka wanaagsan yihiin kuwa la warshadeeyey.

Sanadkii 2019-kii tiradda dadka dunida uu ku dhuftay xanuunka faaliga ayaa gaadhay 30 milyan oo ruux hase yeeshe sanadihii xigay ayaa heerkiisu hoos u dhacay.

Sida daraasaduhu muujinayaan saddexdii daqiiqo oo kasta dunida waxaa cudurkan uu haleelaa qof.

BBC

Hadalsame Media