Hal dhibaato oo horay u jirtey oo laga baqayo inay sii xoogaysato kaddib ku biirista Somalia ee EAC

0

(Hadalsame) 25 Nof 2023 – Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM, AU, IGAD, AL iyo OIC oo ah ururo mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay iskaaahi dhanka siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka. Daladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay kaga duwan tahay in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taa loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka.

Soomaaliya maanta ma haysato afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso, waxaase jira in aan hayno rasumaal uu dal weliba doonayo in aan ku maalgashano.
Tusaale ahaan qof kasta ee Soomaali ah ee dakhligiisu kordho, wuxuu qoyskiisa dejiyaa Kenya, taasoo keentay in dabaqada dhexe (Middle Class)-ka Soomaalida ay badankood deggan yihiin Kenya, iyadoo maalgashiga ugu wayn ee dhismaha guryaha (Real State), uu haatan ka socdo Nairobi. Dabcan dawladaha kalana waxay daddaal ugu jiraan in aan rasumaalkeena ku maalgashano.
Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo, sababtoo ah wuxuu doonayaa meel uu naftiisa, hantidiisa iyo ubadkiisa ku aaamino, caafimaad iyo waxbarsho uga helo, dalxiis iyo nasashana u tegi karo.

Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas, waxaase hubaal ah in aanan kaga faa’iidi karin sida uu haatan xaalkeennu yahay, haddiise aan waqti, tamar, hanti, hoggaan iyo caqligaba isku geyno wax ka qabashada taaganta, waxaan noqon karnaa dalka ugu faa’iidada badan timaaddada Gobolka.

W; Q: Cabdiraxmaan C. Warsame, Gudd. Wadajir

Hadalsame Media