DAAWO: Arrin aysan jeclaysan Dowladda Imaaraatku oo ka dhacday ciyaartii Man City vs Liverpool (Waa maxay?)

0

(Manchester) 25 Nof 2023 – Amnesty International waxay soo abaabushay diyaarad la dul duuliyey gegada Etihad Stadium galabnimadii Sabtigan kahor bilaabashada kulankii Premier League ee u dhexeeyey Manchester City iyo Liverpool si ay indhaha ugu soo jeediyaan xaaladda nin u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo hadda ku xiran Imaaraadka Carabta.

Boor ay ku qoran tahay ‘UAE – Free Ahmed Mansoor’ ayaa daba jiitamayey diyaarad joog hoose ku duulaysa, tiiyoo ay ciyaartooydu kasoo baxayeen garoonka loogu magacdaray shirkadda diyaaradaha ee Imaaraatka ee Al Itixaad, si ay farriin ugu diraan milkiilayaasha kooxdan ee reer Abu Dhabi.

Mansoor – oo ah Imaaraati blogger ah iyo dhaqdhaqaaqe u dhashay Imaaraadka – ayaa ku dhowaad toddobo sano ku jirey xabsi keligiis ah kaddib markii la xirey 2017-kii markii lagu eedeeyey inuu baraha bulshada u adeegsaday meel uu ‘khatar ku geliyo xasiloonnida bulshada’ waxaana lagu xukumay 10 sano oo xarig ah.

Human Rights Watch ayaa hore walaac uga muujisay eedaymaha ah in Mansuur jirdil loogu gaystey intii uu xabsiga ku jirey, sida lagu sheegay warqadaha gaarka ah ee gayfanahan dhankiisa laga helay.

Bishii Oktoobar, Amnesty waxay soo saartay qaylodhaan ay ku baaqayso xorriyadda Mansuur – iyo sidoo kale ‘mucaaradka’ kale oo hadda u xiran sharci la mid ah midka loo cuskaday isaga – kahor COP28 oo ah shirka Cimilada ee QM ee ka dhacaya Imaaraatka.

Nidaamka Imaaraatka ayaan dabcan jeclaysan doonin in kooxda ay biilaan garoonkeeda loo adeegsado meel iyaga lagu mucaarado.

The human rights activist is thought to have been held in solitary confinement since 2017

A banner reading 'UAE - Free Ahmed Mansoor' was flown over the Etihad before Saturday's tie

Hadalsame Media