Dumar badan oo ku dhintay qalliinnada is qurxinta & Arrintan oo dowladaha qaar ay ka xaajoonayaan

0

(Hadalsame) 23 Nof 2023 – Dowladda UK ayaa sheegtay in ay la kulmi doonto mas’uuliyiin ku sugan Turkiga si ay ugala hadlaan sharciyada ku saabsan dalxiiska caafimaadka iyo qurxinta, ka dib markii dhowr qof ay dhinteen.

Melissa Kerr, oo 31 jir ah, ayaa ku dhimatay cisbitaalka gaarka loo leeyahay ee Medicana Haznedar Hospital ee Istanbul sanadkii 2019 inta lagu guda jiray qalliinka lagu weyneeyo barida

Baare ayaa walaac ka muujiyay iyada iyo kuwa kale in aan la siin macluumaad ku filan ka hor inta aysan u safrin dibadda.

Wasiirka caafimaadka Maria Caulfield ayaa sheegtay in dowladdu ay arrintan u qaadatay si dhab ah.

Iyada oo ka jawaabeysa ka hortagga warbixinta dhimashada mustaqbalka ee uu qoray Norfolk sarkaal sare oo ka tirsan baaritaanka Jacqueline Lake, Caufield waxay sheegtay in mas’uuliyiinta Waaxda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ay booqan doonaan Turkiga waqti dhow si ay ula kulmaan dhiggooda.

Bishii Sebtembar, baaritaan ayaa muujiyey in Kerr, oo ka timid Gorleston, Norfolk, ay la kulantay khatar halis leh ka dib xinjir dhiigga oo u gudubtay sambabbada intii lagu jiray qalliinka barida ee Brazil (BBL).

Baaritaanka ayaa loo sheegay in howlgallada BBL ay qaateen khatarta ugu badan ee dhammaan hababka qalliinka qurxinta.

UK ayaa heshiis lagu gaaray in la joojiyo howlgallada noocaan oo kale ah sababo la xiriira khatarta ka imaan karta.

Hooyo saddex carruur ah lahayd ayaa geeriyootay bishii Agoosto 2020-kii ka dib markii laga soo saaray liposugle gudaha Turkiga, BBC-da ayaa hore u sheegtay sida toddoba bukaan oo British ah ay u dhinteen qalliin miisaan lumis ah oo dalka lagu sameeyay.

QALIINKA QURXINTA
Cisbitaalka Medicana Haznedar ee lagu qalay Melissa Ker kuna yaal Istanbul

Wasiirka caafimaadka, dhimirka iyo istaraatiijiyadda cafimaadka haweenka ee Caulfield ayaa dhambaal tacsi ah u dirtay qoyska Kerr, iyadoo raacisay waa muhiim ah inaan wax ka qaadanno wixii ku dhacay si aan ugu hortagno dhimashada mustaqbalka

Qalliinka qurxinta: sababta loo rabo, iyo waxa uu daaweeyaha ii sheegay

Waxay sheegtay in dawladdu ay ka warqabto jeegaga ay sameeyeen waddamada qaarkood oo bixiya dalxiiska daryeelka caafimaadka, laga yaabo in aanu la jaan qaadi karin heerarka sharciyeynta UK.

Laakiin daah-furnaanta iyo jaan goynta noocaas ahi waxay muhiin u tahay in la yareeyo khataraha ku imaan kara bukaannada.

“Waxay si gaar ah muhiim u tahay in kuwa ka fikiraya ay yeeshaan nidaamka (BBL) ee Brazil si buuxda looga warqabo khataraha oo ay helaan wakhti ay si buuxda uga fikiraan go’aankooda ka hor qaliinka,” ayay tidhi Caulfield.

“Khatarta dhimashada qalliinka BBL waa ugu yaraan 10 jeer ka badan hababka kale ee qurxinta. Dawladdu waxay ka fikiraysay sidii ay si hufan ula socon lahayd macluumaadka ku saabsan khatarta aad dibadda u aadi karto” ayey intaas raacisay.

Wasiirka ayaa sheegtay in iyadoo dowladda UK ay si caalami ah u eegayso cawaaqibka ka dhalan kara dalxiiska caafimadka ee caalamiga ah ay xoogaysnayaan tirada dadka u dhashay UK ee u safraya daweynta dibadda.

BBC

Hadalsame Media