”Bal afkaaga eeg?” – Maxaa xalay kala qabsaday Messi & Rodrygo intii lagu jirey kulankii Brazil v Argentina (Daawo)

0

(Rio de Janeiro) 22 Nof 2023 – Laacibka Lionel Messi ayaa waxa ay erayo qallafsan is dhaafsadeen Rodrygo kaddib markii uu xiddigga Brazil ku eedeeyey ciyaartooyda Argentina inay si fulaynimo ku dheehan tahay inay dib ugu gurteen dusmada garoonka markii ay taageerayaasha iyo booliisku isku dhaceen garoonka Maracana Stadium.

Rodrygo ayaa u sheegay Messi iyo Rodrigo De Paul inay yihiin ‘fulayaal’ markii ay aadeen qolka labiska kahor inta aysan Argentina 1-0 ku badinin isreebreebka Koobka Adduunka 2026-ka.

Messi ayaa asxaabtiisa u hoggaamiyey dhanka qolka dhar-badalka kaddib markii taageerayaashu ay isku dhaceen oo booliisku ay burar ku garaaceen taageerayaasha Argentina, taasoo khasabtay in ciyaarta dib loo dhigo muddo 30 daqiiqo ah.

Dhawr taageere ayaa la arkayey oo kuraastii garoonka fujisanaya si ay hub ahaan ugu isticmaalaan, taasoo keentay inay ciyaartu dib u dhacdo muddo 30 daqiiqadood ah.

Messi ayaa isaga oo uu wehliyo Rodrygo yiri: ‘Waxaan nahay horyaallada adduunka, maxaan u nahay fulay? Afkaaga eeg’ – sida uu dhigayo TyC Sports.

Dhanka kale, goolwalhe Emiliano Martinezs, oo ilaaliya goolka Argentina, ayaa sidoo kale waxa uu u boodey dhanka tarabuunka garoonka isagoo bud ka dhuftay gacanta sarkaal booliis ah kahor inta aysan xakamaynin asxaabtiisu.

Hadalsame Media