Khataraha caafimaad ee Yaanyada gasacadaysan (Afar iimood oo ay leedahay)

0

(Hadalsame) 20 Nof 2023 – Ma ogtahay in tamandhada ama yaanyada diyaarsan ee suuqa taalla ay raad taban ku yeelan karto caafimaadkaaga?

Tamaandhada ama yaanyada fresh ka ah waxa ay leedahay faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin balse midda diyaarsan ee qasacadaha ku jirta uma wanaagsana caafimaadka

Hadaba Daryeel Maagaziin waxa uu qormadan ku iftiimayaa khataraha caafimaad ee tammaandhada ama yaanyada diyaarsan ee qasacadaha, bacaha ama caagagga ku jirta ee ay Soomaalida qaar u taqaanno “yaanyo shiidshiidka”.

Maadada “aspartame”

Tammaandhada qasacyadaysan waxaa lagu daraa wax dhadhanka macaanka u yeelo loona yaqaano “Aspartame”. Maadadaan waxay keeni kartaa wareer, madax xanuun iyo dheefshiid xumo.

Waxaa ku badan milixda

Maadada “sodium nitrate” waxa ay u daran dadka qaba dhiig karka. Sida oo kale, maadadani waxa ay saamaysaa habdhiska dheefshiidka.

Waxaa ku jira maadooyin kiimiko ah

Tamaandhada qasacadaysan waxaa lagu daraa maadooyin kiimiko si loogu xifdiyo.

Maadaama tammaandhadu ay hodan ku tahay faytamiin C oo ka dhigayo mid aashito leh, waxaa gasacadda ka hor inta aan lagu kaydin tammaandhada la mariyaa dawo la yidhaadho “Bisphenol-A”  loona soo gaabiyo “BPA”, maadadani waxa ay ka hortagaysaa in aashitada tammaandhadu aanay cunnin qasacadda, caagga ama bacda ama aanay ku dhex daxalaysan.

Daraasad lagu sameeyay maadadaan waxaa la arkay iin haddii jidhka ay ku badato ay khalkhal galiso habka jidhku uu u shaqeeyo gaar ahaan dhanka hormoonnada, raggu waxay isku arki karaan hammi yari, waxayna hoos u dhigtaa tayada shahwada dhinaca bacriminta, dumarkuna waxa ay isku arki karaan caadada oo ka wareerta iyo xanuunka qanjidhka hunguriga ee tayroodhka. Sida oo kale, maadadani waxa ay siyaadisaa halista cudurka kansarka noocyadiisa ku dhaca naasaha iyo qanjidhka ragga ee borosteytka

Waxaa kale oo la ogaaday in haweeneyda maadadaan jidhkeeda ku bato haddii ay uur qaado inay ilmaha soo ridi karto, haddii la siiyana ilmaha ka yar 5 sano inay hoos u dhigto korriimada maskaxdooda.

Sonkorta “Fractose Corn Syrup”

Tammaandhada qasacadaysan waxaa ku jirta sonkorta loo yaqaanno “fractose corn syrup” oo ah nooc ka mid ah sonkorta oo warshad soo martay weliba qaarkeed laga sameeyay geedka qasabka oo gacan ku rimis ah. Sonkortani waxa ay u daran tahay caafimaadka, cunisteeda oo la joogteeyana waxa ay kordhisaa halista cayilka xad dhaafka ah, sida oo kale waxaa ku jira maadooyin badan oo kiimiko ah oo caafimaadka u daran. Cilladaha kale ee sonkortan waxaa ka mid ah yalaalugo ama lalabo, xanuun xabadka ah iyo madax xanuun.

Talo – Ku dedaal isticmaalka tammaandhada ama yaanyada dabiiciga ah waxaa ka buuxa nafaqooyin kala duwan iyo walxo kale caafimaadka faaido ugu jirto, kana dheerow tammaanadhada qasacadaysan. Caafimaadku waa aas-aaska nolosha, hadii adigu aanad ilaashan caafimaadkaaga cidina kuu ilaalin meyso

Daryeel Magazine

Hadalsame Media