“Halla i badbaadiyo!” – Qabyaaladdii lafteedii oo dacwoonaysa & 8 Su’aalood oo ka dhashay sida loola macaamilay guusha Naadiya

0

(Hadalsame) 20 Nof 2023 – Kaddib guushii Naadiya Maxamed, oo loo doortay Duqa Magaalada St. Louis Park ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, ayaa waxaa baraha bulshada ee ay dadku ku xariiraan si aad ah looga hadal hayey qoyska ay tahay gabadhu, ayada oo qof walba uu sheegayo inay isku meel ka soo wada jeedaan. Bal maxaa uga kordhaya noloshiisa wareersan.

Haddaba, aannu eegno 8 su’aalood ama arrimood oo muhim ah oo ay tahay inaan is waydiinno ama dul istaagno:

1 – Madaxda DF Somalia qaarkood oo ay ku jiraan wasiirro, xildhibaanno IWM, ma yaqaannaan mas’uuliyadda sidoo kale ma dareensana sawirka ay bixinayaan inuu yahay mid qaybinaya ummadda ay xilka u hayaan oo aan ahayn hal reer ama reer hoosaad, ama ugu yaraan ma fahamsana sida ay howluhu u kala horreeyaan.

2 – Hoggaanka DF Somalia ma laha qorshe qaran (national policy) lagula xaalo arrimaha soo kordha maxalli iyo caalamiba, balse wax kasta waxaa loo wajahaa si cashwaa’i ah oo qiiro iskaga dhisan kaddibna waxba la iskama waydiiyo.

3 – Wax xayndaab ihi uma dhexeeyaan waxa uu dowdar saaqiday ka sheegayo baraha bulshada isagoo ummadda u qaybinaya qabaa’il is neceb iyo dadka ka tirsan DF Somalia iyo maamullada oo dadka noocaas ah marar badan u socod iyo hadal ekaada.

4 – La isma waydiinin waxa DF iyo madaxdeeda ka galay qof lagu doortay Maraykanka ayna doorteen dad u badan shacabka Maraykanka kuwooda aan xitaa Soomaali ahayn.

Haddiise ay Naadiya iska sharrixi lahayd degaannada reeraha isku haysta Duq Magaalo maka dhigan lahaayeen? Dabcan waa hubnaa jawaabta. Sidoo kale, xitaa ma naqaanno qabiilka ay gabadhu uga dhiiban tahay Maraykanka marka sheegista qabiilladu waxay xitaa usoo jiidi kartaa dhibaato hor leh.

5 – Haddii tahay wasiir ama xildhibaan ay aad muhim ula yihiin inuu howlo reer ku mashquulo maxaad ka dhex qabanaysaa dowlad qaran maad af-miishaar reeraha u gar naqa, afar jeeble, oday dhaqameed ama ugaas iska noqotid. Haddaadan hami ummadeed xambaari karin se maxaa xil ummdeed kuu dhiibaya?

6 – Qof Somalia ku dac darraysan oo ay isu tuurtuurayaan diihaal abaareed, dayac siyaasadeed, daadad iyo dagaallo niic ah, maxaa uga kordhaya inuu muujiyo ama ogaado inuu ku qabiil yahay wiil ama gabar qurbaha joogta oo danteeda ku toostay? Haddiise aysan DF taas lafteedu fahamsanayn yaa shacabkii garansiinaya oo u caqliyaynaya?

7 – Koonfurta oo hadda u muuqata inuu ka bilowday wax aan u bixiyey “baraarug qabyaaladaysan” oo u samaysmay qaab fal-celin ah oo ku dhisan “sidan waa la yeelaa”, waa in qabyaaladda lafteeda laga badbaadiyo, waayo bahashiiba inta karaarkii la dhaafiyey ayay ku socotaa xawaare waalan. Waxaad arkaysaa siyaasigii, fannaankii, weriyihii, aqoonyahankii iyo koleey ku tahay qaar wadaaddo sheeganaya oo dhex boodaya.

Reer koonfurka laftooda ayaa ku mahmaaha “gadaal ka gaar goob dumis waaye”, sidaa darteed, haddii aan dib loo celin qabyaaladdan xitaa “Ciyaal Siyihii” laga iibinayo meel xun ku furi mayno geeddiga waalan. May! In qabyaaladda hebel iyo heblaayo la bareereen ka dhigi mayso wax saxan.

8 – Ugu dambayn, maadaama ay qabyaaladdu tahay midda dumisey Somalia oo ka dhigtay dalka ugu saboolsan dunida, ugu horumarka liita, ugu musuqa badan, ugu ammaanka xun, ugu musiibada badan, ugu gaajada badan iyo kun karaahiyo oo kale, DF sow ma ahayn inay dabaqdo siyaasad aan sinnaba u aqbalin (zero tolerance)  in qabyaalad la xayaysiiyo oo shirar loo qabto, weliba qaab aan wax dhisayn.

Waayo haddii uu qabiil u shiro inuu danta ummadda taageero ama uu xitaa wax u qabto dadkiisa dhibban waa wax loo adkaysan karo.

Somalia kuma dhismi karto isla qabyaaladdii dumisey oo ay weliba markan horseed ka yihiin oo ay shuclada u sidaan qaar damiir ahaan, dadnimo ahaan, garasho ahaan iyo aqoon ahaanba aad uga liita qabyaaladiistayaashii shalay.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media