Gabar Soomaali ah oo samaysay ”dawo” ay rag badani ka iibsadaan (Maxay tahay maxaase ka jira waxtarkeeda?)

0

(Hadalsame) 17 Nof 2023 – Hibaaq Cabdullahi Maxamed oo ah gabar da’yar oo ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in hal abuur cusub oo ay la timid uu noqday mid dad badan caawiyay.

Dufanka xoolaha oo ay si nidaamsan u sameysay ayay sheegtay in ay daawo ahaan u iibsadaan dadka qaar oo biday caafimaad. “Waxa ay sheegtaan infegshan ama caabuq, dhabar xanuun, jabto, lafo xanuun [Dadka iibsada subaga],” ayay tiri Hibaaq.

Balse BBC ma xaqiijin karto dhabnimada sheegashada Hibaaq. Sidoo kale ma cadda sida ay ragga wax ugu taro dufanka ay soo saarto.

Dhamaan waxyaabahaan ayaa ah kuwa horay looa heli jiray gudaha Muqdisho, laakiin sida ay u ilaaliso nadaafada inta lagu guda jiro fiixinta dufanka ayay sheegtay in dad badan ay kalsooni uga heshay. Sidoo kale in laga heli karo badecadeed baraha bulshada oo ay ku xayaysiiso ayay sheegtay inay tahay sabba kale oo dad badan ugu xiran yihiin.

Hibaaq waxa ay iibisaa subagga xoolaha noocyadiisa kala duwan, sida subagga ariga, sixinta lo’da, dhuuxa geela, barida idaha iyo waxyaabo kale.

Hibaaq
Subagga

Dufankaan ayay sheegtay in laga soo dalbado magaalooyin ka tirsan Soomaaliya iyo sidoo kale qurbaha. Wadamo ay geyso ayay sheegtay inay kamid yihiin Ingiriiska, Canada, Koonfur Africa, iyo Suudaan.

Dhallinyarada ku nool gudaha dalka, intooda badan waxa ay isku dayaan fikrado ganacsi oo ay ku faa’iidii karaan, Hibaaq ayaa sheegtay inay sidaas oo kale isku dayayso sidii ay nolosheeda uga maareyn lahayd ganacsigaan.

Xaddiga shaqo la’aanta ayaa sare u kacay sanadihii la soo dhaafay 0.12% sida uu sheegay bangiga adduunka. Baraha bulshada, sida Facebook iyo TikTok ayay sheegtay inay isticmaahso si ay u hesho macaamiil badan.

Waxay sheegtay in baraha bulshada ay soo geliso muuqaallo ay sharraxaad kaga bixineyso sida waxyaabaha ay iibineyso ay u yihiin kuwo sax ah oo aah hallaabeyn ama aan waxyaabo kale lagu dardarin.

Sidee u sameysaa subaga?

Hibaaq ayaa sheegtay in subagga noocyadiisa kala duwan ee ay iibiso uu yahay mid ay adagtahay in meel waliba laga helo, marka la joogo magaalooyinka waawayn sida Muqdisho iyo wadamada qurbaha.

”Alaabahan dabiiciga ah waxa aan ka kala keenaa deegaanno iyo tuullooyin dalka gudihiisa ah sida, Biyo cadde, Jowhar iyo Raaga ceelle, qaar kalana waxa aan ka helnaa gudaha Muqdisho,” ayay BBC u sheegtay Hibaaq.

Dheriyaal cusub oo nadiif ah oo ay usoo iibisay ganacsigeedaan curdunka ah ayya sheegtay inay ku kariso dufanka, si ay uga soo saarto subag nadiif ah.

“Kawaannada hilibka lagu iibiyo ayaan kasoo aruursanna lafaha geela ee la tuuray waan nadiifinna waan dhalaalinna waxaana ka sameynaa dhuuxa geela oo faa’iido badan u leh bulshada, waliba anagoo u sameyna si ka duwan sida ay dadka kale u sameeyaan oo qarash badan uu nooga baxo” ayey hadalkeeda raacisay.

Dawo
Dawada iyo Subagga

Subagu daawo ma noqon karaa?

Dr Cismaan Gaboose, oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi oo aan wax ka weydiinay in subaga ay iibiso Hibaaq iyo kuwa lamid ka ah daawo noqon karaan ayaa qaba in qayb kamid ah dufankaas ay lahaan karaan faa’iido caafimaad.

”Marka aynu kala qaadno subagga iyo barida idaha, waxaa jira subagga in laga helo fitamiinno kala duwan oo qofka caafimaadkiisa ka qayb qaadanaya, hase yeeshee haddii si qaldan loo isticmaalo ama xadkiisa laga badiyo waxa uu yeelanayaa saameyn,” ayuu yiri Dr Gaboose.

“Marka ay noqoto barida idaha iyo in dawo ahaan loo isticmaalo dad badan ayaa jira oo dhaqan ahaan dawo u isticmaala, hase yeeshee marka aan dunida yo waxa ay ka tiri aan ka eegno barida oo kale waxa la ogaaday in ay ku jiraan waxyaabo badan oo faa,iido ah hase yeeshee cudur laguma daweyn karo,” ayuu ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale waxa uu sheegay in xanuunada qaar ay uga sii darto, sida gaaska oo ay dad badan ka cawdaan. Baaritaanno la sameeyay ayuu sheegay inay muujinayaan in barida idaha ay ka hortagto kansarka ku dhaca sambabada.

Dr Gaboose ayaa sidoo kale tilmaamay in marmarka qaar ay is diidi karaan dawooyinka ay dhakhaatiirtu qoraan iyo subagga ama barida, walow ay ku xirantahay dawada iyo nooca ay tahay.

Hibaaq
Hibaaq

Sida ay fikraddan ugu dhalatay Hibaaq

Hibaaq oo ay haatan wada shaqeeyaan seygeeda ayaa sheegtay in ay ku baraarugtay baahida loo qabo subaga, kadib markii ay iyadu u baahatay.

”Qof ehelka kamida oo iga xanuunsaday aan u waayay subag iyo dhuux geel oo saafi ah, mid kasta oo aan soo gado wuu iga hallaabi jiray,” ayay tiri Hibaaq.

“Markii dambe ayaan is dhahay ‘Haddiiba in la helo ay adagtahay kawaran haddii aad sameyso adiga’. Hooyadey ayaa iga caawisay markii hore in aan helo alaabta saafiga ah sidaas ayaana ku bilaabay”.

BBC

Hadalsame Media