Waxyaabaha dabiiciga ah ee sare u qaada hammada jinsi ee gabadha la qabo

0

(Hadalsame) 15 Nof 2023 – Casharkan waxaan ku soo qaadanaynaa habab dabiici ah oo lagu kobcin karo doonista jinsiga ee dumarka.

Inkasta oo aysan jirin fiyaagro loogu talo galay dumarka sida fiyaagrada ragga, haddana waxaa jira dawooyin dabiici ah oo geli kara beddelka fiyaagrada kuwaas oo sare u qaada hammada iyo doonista jinsiga ee dumarka taas oo ka dhigaysa kulanka sariirta mid xiiso leh.

Geedka maka (maca root)

Geedka maka waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa dalka Peru, waa geed ku caan baxay inuu yahay dawo dabiici ah oo siyaadisa doonista jinsiga ee dumarka. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, geedka maka waxa u kobciyaa hammiga iyo rabista galmada.

Cunnooyinka kordhiya doonista jinsiga

Cunnooyinka qaarkood sida shukulaatada madow, miraha afakaadhada, toonta iyo basbaas qajiga waxa ay si dabiici ah u kordhiyaan doonista jinsiga.
Waxaa ku jira maadooyin dhiirrageliya soo saarista maadooyinka “endorphins” islamarkaana kordhiya dareenka fayo-qabka taas oo ka qaybqaadata sare u qaarista hammiga doonista jinsiga.

Vitex

Sida oo kale waxaa loo yaqaannaa “chasty berry”, waa dhir caawisa nidaaminta hormoonnada dumarka. Hormoonnada oo la isku dheellitiro waxay raad togan ku leedahay fayow-qabka galmada, waxayna yaaeysaa astaamaha isbeddelka niyada ee caadada kahor taas oo wanaajinaysa hammigooda.

Jimicsiga Kegel (kegel exercise)

Ha dhayalsan awoodda jimicsigu uu u leeyahay kobcinta hamiga. Jimicsiga Kegel wuxuu ka caawiyaa murqaha minka ka hooseeyo, kaadihaysta iyo malawadkaba inay adkaadaan, isagoo wanaajiya qanaacada galmada.

Daryeel Magazine

FG: Waxaan barnaamijyadan ugu tala galnay lamaanaha xalaasha isku qaba oo qura

Hadalsame Media