Waa ayo cidda soo jeedisey in SSC laga saaro tartanka Maamullada & Su’aalo ka taagan? (Maxay se yihiin shuruudaha u yaalla?)

0

(Laascaanood) 14 Nof 2023 – Waloow ay ilo ay ilo ka tirsan Wasaaradda Ciyaaraha Soomaaliya ay BBC-da u sheegeen in gebi ahaanba laga reebay ciyaartoyda xulka SSC- Khaatumo ka qayb galka ciyaaraha Maamul-goboleedyada dalka oo dhowaan la filayo inay ka furmaan magaalada Muqdisho, misna weli ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay DF walaa Xiriirka Ciyaaraha dalka.

Sidoo kale Maamulka SSC laftiisa oo arrintan bayaan kasoo saaray ayaa yiri sidatan: ”Ma jiro war rasmi ah oo naga soo gaadhay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JFS, islamarkaana waxaanu ku guda jirnaa diyaar garowgii aanu kaga qaybgeli geli lahayn tartanka, anagoona rajaynayna inaanu guul ka keeni doonno.”

Si kastaba, waxaa jira shuruudo ku xiran maamulkii ka qaybgelaya tartanka Maamullada, kuwaasoo ah sidan soo socota:

Ka qaybgalka ciyaaradaha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa qaban qaabadeeeda leh wasaaradda ciyaaraha siyaasad ahaan halka farsamada qabsoomida ay leeyihiin xirirka kubada cagta Soomaaliyeed.

Shuruudo dhowr ah ayaa ku xiran ka qayb galka ciyaarahan heer federal oo lagu qabto Muqdisho labadii sanaba mar.

Mid kasta oo ka mida maamulada goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir waxaa looga baahan yaay inuu leeyahay xiriir kubada cagta oo dhisan iyo guddiyo ciyaaro oo heer gobol ilaa heer degmo ah kuwaas oo nidaamiya ciyaarahaas.

Tan labaadna waxaa inay jiraan tartamo ka dhaca maamulada oo ay qabteen xiriradooda heer gobol ama degmo si looga soo xulo ciyaaryahanada mati lahaa maamulkaas oo ka qayb gali lahaa tartanka ay isku arkayaan dhammaan maamulada dalka.

SSC-Khaatumo oo loo diiday ka qayb galka ciyaarahan ee sanadkan ayaan lahayn xiriro ciyaaraha anana qaban tartamo ciyaaraha oo deeganadoodaa.

Tartankaan ayaa baaqday labadii sano ee lasoo dhaafay, lama qaban 2018 iyo 2019, kaliya saddex jeer ayey dhacday in tartankaan la hirgaliyo waxaana ku guuleystay Puntland, Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Sanadkii 2016 waxaa tartanka hantay xulka Puntland oo rigooreyaal kaga qaaday Jubbaland, halka 2017 ay ku guuleysteen xulka Jubbaland kuwaas oo si aargoosi ah finalka ugu garaacay Puntland.

Xulka gobolka Banaadir ayaa sanadkii 2020-kiina ku guulaystay hanashada kooban ka din markii ay ka adkaadeen Maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay finalka koobkan yimi.

Puntland ayaa qaadacday ka qayb galka kulankan kaas oo kaliftay in dib u dhaca muddo sanad tartarkan iyadoo wasaaarada ciyaaraha Puntland ay ku macnaysay in loo maamulin sidii loo baahnaa.

Su’aashu waxay tahay, haddii ay shuruudahani jiraan ama ay haatan keeni karaan in Maamulka SSC tartanka looga saaro maxaa bilowgii taa loogu sheegi waayey maxaase qartanka qorocootanka iyo isku aad samaynta loogu daray?

Su’aasha kale waxay tahay, soow ma ahayn in ciyaaruhu ay ka madaxbannaanaadaan DF Somalia oo ah hay’ad siyaasadeed, sida ay qabaan Xeerarka FIFA & CAF?

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media