“Sug bal! Maxaad eraygaa ula jeeddaa?!!” – Maraykanka iyo Netanyahu oo isku dheggan & Kelmadda lagu haysto

0

(Washington, DC) 12 Nof 2023 – Maamulka Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa la xiriiray mas’uuliyiinta Israa’iil si ay u caddeeyaan sheegashada Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu ee ah in Israa’iil ay sii wadi doonto maaraynta ammaanka Gaza kaddib marka ay soo afjarto colaadda ay kula jirto Xamaas, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Isfaham waagan ka dhex jira xulafadan isku dhow ayaa markii hore waxaa soo weriyay warbaahinta dowladda ee Kan, kaddibna waxaa u xaqiijiyey Times of Israel oo xigtey sarkaal Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Sida ay wararku sheegayaan, Washington waxa ay la ashqaraartay hadallo Netanyahu uu ka yiri mustaqbalka Gaza ee colaadda kaddib.

Shir jaraa’id oo uu qabtay Sabtigii, Ra’iisul Wasaaraha ayaa meesha ka saaray suurtagalnnimada in maamulka Falastiin ee PA uu la wareego gacan ku haynta degaankaas dagaalka kaddib.

“U dhiibi mayno maamul rayid ah oo Falastiini ah oo carruurta ku ababiya nacaybka Israel.” Ayuu ku qiil samaystay Netanyahu.

“Waxaa jiri doona qaab kale, laakiin xaalad kastaba amnigeenna annaga ayaa xakamaynayna oo gacanta ku qabanayna. Waan garab taagan ahay mana rabo inaan taa ka quusto, “ayuu ku adkaystay, isagoo ku celiyey sheegashadan oo uu horay ugu caddeeyey waraysi uu siiyey ABC News Talaadadii.

Kan wuxuu kaloo baahiyey in saraakiisha Maraykanku ay doonayaan in dhiggooda Israel ay u sharraxaan waxa dhabtii uu RW Netanyahu ula jeedo kelmadda “hanashada amniga Gaza.”

Hadalkan ayaa imanaya iyadoo ay dunidu sii nacayso hab-dhaqanka nidaamka Israel oo uu shalay MW Turkigu ku tilmaamay “sidii ilmo la suureeyey.”

DF Maraykanka oo ku musalliftey dagaalladii ay dunida ka waddey nus-qarnigii dambe ayaa aad ugu dadaalaysa inuusan dagaalka Qasa isu rogin mid gobol, balse Netanyahu oo fursad uu kursiga ku joogo ka arka xaalka taagan ayaa u muuqda mid aan taa la qabin.

Hadalsame Media