DIGNIIN: Jiiniska cariiriga ah oo waxyaabo kale oo aad xirato oo dhibaato caafimaad kuu keeni kara

0

(Hadalsame) 11 Nof 2023 – Waxaa jiray digniino ku aaddan in qaar ka mid ah lebiska casriga ah ee ay xidhaan dadka dharka xayeysiiya ay sababi karaan dhibaato ku timaad joogga qofka iyo dhbar iyo luqun xanuun.

Ururka British Chiropractic Association (BCA) ayaa sheegay in waxyaabha ay ka mid yihiin surwaalada jiinis ku dheggan jirka, kabaha dhaadheer iyo shandad gacmeedyadu ay “burbur iyo baaba'” ku keeni karaan jirkeena.

Si kastaba ha ahaatee, cilmi-baarista waxaa diiday Ururka ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta jirka ee Chartered Society of Physiotherapy iyo khubarada kale ee dhabarka.

Waxay yiraahdeen waa inaynaan ka cabsan dharka aan xiranayno.

Waa kuwan shanta shay ee ugu sarreeya oo ay BCA sheegtay inay waxyeello noo geysan karaan.

Jiiniska dheggan

Jiinis

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

BCA waxay ku andacoonaysaa in surwaallada jiiniska ee dhuudhuuban ay yareeyaan dhaqdhaqaaqa “xitaa haddii ay tahay kaliya socodka oo aad samaynayso”.

“Dharka cidhiidhiga ah wuxuu u horseedi karaa luminta ‘dhaqdhaqaaqa’ socodkaaga iyo tayada dabiiciga ah ee shoogga ah ee socodkaaga, taasoo keenta cadaadiska xubnahaaga.”

Boorso gacmeedyada waaweyn

boorso

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waxay sidoo kale BCA ku andacoonaysaa in shandad gacmeedyada culculus ay si gaar ah ugu badan yihiin xanuunka dhabarka ee haweenka. Waxay kugula talinayaan inaan iska ilaalino boorsooyika ay tahay in xagasha gacanta lagu qaado “maadaama ay culays dheeri ah saarayaan mid ka mid ah garbahaaga taasoo keenaysa inaad dhinac u liicdo”.

Jaakadaha leh koofida weyn ee dhogorta ah

Jaakad

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

BCA waxay sheegaysaa “koofiyada waaweyni waxay la macno tahay inaad qoortaada cadaadinaysid si aad wax u aragto”.

Kabaha dhaadheer

kabo codhbo dhaadheer

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

BCA waxay ku doodaysaa in kabaha dhaadheer ay nagu qasbaan inaan jirkeena u hayno “hab sare oo xanuun ku keena laf dhabartaada”.

Kabaha aan sun dabaha lahayn

Kabo suun dameed lahayn

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Shayga kale ee ay BCA ku andacoonayso inuu dhibaatada inoo keeno waa kabaha gadaal ka furan oo ay sheegeen inaysan wax taageero ah ka haysan dhabarka cagta taasoo kordhinaysa culayska lugaha iyo dhabarka hoose.

Waxa kale oo ay ka digayaan in isbeddellada cusub ee labiska sida cambuurada asymmetrical, kuwa gacmaha waaweyn iyo koofiyadaha iyo silisyada culus ay sidoo kale dhibaato u abuuri karaan qofka xidhan.

Maxay tahay xaqiiqdu?

Ra’yi ururinta BCA ee 1,062 qof ayaa lagu ogaaday in 73% ay soo gaareen xanuunka dhabarka halka 33% aysan ka warqabin in dharku saameyn ku yeelan karo dhabarka, luqunta ama joogga. Waxay ka digayaan in shay kasta oo dhar ah oo xaddidaya dhaqdhaqaaqa, ama u horseedaya dadka inay istaagaan ama u socdaan si aan dabiici ahayn, ay saameyn xun ku yeelan karaan qaab dhismedka jirka, dhabarka ama qoorta.

“Taladayadu waa inaad tixgeliso caafimaadka dhabarkaaga iyo qoorta markaad dooranayso dharka – yaraynta dharka xaddidaya dhaqdhaqaaqaaga ayaa lagula talinayaa. Waa inaad doorataa dhar ku habboon hawsha aad qabanayso oo isku day inaad iibsato boorsada dhabarka maalmo markaad wax badan haysato, si aad isbeddal u samayso.”

Laakiin Dr Mary O’Keeffe, oo ah khabiir ku takhasustay xanuunka dhabarka oo ka tirsan jaamacadda Limerick, ayaa sheegtay in cilmi-baadhistoodu ay tahay “gabi ahaanbi cabsi abuurid oo aanay jirin caddayn cilmi ah oo taageeraysa sheegashada”.

“Si fudud hadii loo dhigo, jiinis dhuuban, jaakadaha dhogorta badan, silsiladaha iyo alaab kasta oo kale ma keenaan dhabar xanuun.

“Ma jirto caddayn cilmi ah oo lala xiriirin karo. Tani waxay u muuqan kartaa mid liddi ku ah, sababtoo ah haweenka qaba xanuunka dhabarka ayaa laga yaabaa inay soo sheegaan xanuunka dhabarka marka ay xiran yihiin ama ay wataan waxyaabo gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, in loo qaato in xanuunka dhabarka ay sababeen alaabtani, waa hubaal in ay tahay kutiri ku teen.”

BBC

Hadalsame Media