BBC oo ”kashiftay” dekedda ay Itoobiya bartilmaameedsanayso & Taariikhda ka dambaysa (5 arrimood oo ay tilmaantay)

0

(Addis Ababa) O9 Nof 2023 – Maqaal dheer oo lagu daabacay BBC News qaybta af Ingiriisiga oo uu diyaariyey Alex De Waal, ayaa mar kale lagu faaqiday hanka RW Itoobiya ee Abiy Axmed uu ku hollinayo helitaanka deked ay lihi u qaadato.

Maqaalka ayaa lagu sheegay in dekedda bartilmaameedka 1-aad u ah Itoobiya iyo Abiy ay tahay midda dhacda Badda Cas ee ka tirsan dalka Eritrea ee Casab, taasoo Itoobiya ka tirsanayd 30 sanadood kahor.

Wuxuu soo xigtey Jeneraal joogey qarnigii 19-aad oo la oran jirey Raas Caluula, kaasoo horay ugu dooday in Badda Casi tahay ”xadka dabiiciga ah” ee Itoobiya.

Waxaa kale oo qoraalku xusay khiyaaliga Itoobiya iyo dadkeeda ka dhaadhacsan sidoo kalena uu dooddiisa kusoo daray RW Abiy Axmed ee ahayd in maadaama ay yihiin dal ballaaran iyo dad fara badan uu Xeerka Caalamigu u damaanad qaadayo inay deked helaan oo aysan bad-xiran noqon.

Tan ugu xiisaha badani waxay tahay in qoraalku uu farta ku fiiqayo dal ay sheegeen inuu taageero Abiy Axmed oo ah dalka Imaaraadka Carabta oo diyaarado hub ku shixnadan yahay iyo daroonno ugu deeqayey Itoobiya intii muddo ahba.

Qoraalka maqaalka BBC ayaa Abiy oo ay ku tilmaameen nin ”hanfade ah” sheegay inuu durba dumay dalalka deriska oo ay xitaa ku jireen kuwo olog la ahaa sida Kenya oo lafteedu ka shakisan hanka cusub ee ah inay Itoobiya la bareerayso inay deked cusub doonayso.

Halkan kasii aqri maqaalka BBC….

Hadalsame Media