Qaababka Mooska loogu daryeelo jirka qallalan (Aqriso hab-raaca oo qoran)

0

(Hadalsame) O8 Nof 2023 – Moosku waxa uu hodan ku yahay faytamiinnada A, B, C iyo D, macdanta potassium, kaarbohaydareetyo iyo dufanno dabiici ah kuwaas nafaqeeya islamarkaana qooya jirka.

Hadaba maanta waxaan idin la wadaagaynaa qaababka mooska loo adeegsado dawaynta kor qalleylka.

Moos, malab iyo faytamiin E

Malabka waxaa ku jira dheecaan oogada sare ee maqaarka xariir ka dhigta, sida oo kalana hoos u dhaafta oo dux siisa lakabyada hoose ee maqaarka. Faytamiin E waa sunsaare awood badan oo la dagaallama dhawaaca maqaarka ay gaarsiiyaan waxaa loo yaqaanno “free radicals”.

Waxaa loo baahan yahay

  • 1 xabbo oo moos bisil ah
  • 1 Qaaddo oo malab ah
  • 1 xabbo oo kaabsolka faytamiin E ah

Qaabka isticmaalka

  • Jar mooska, ku rid baaquli oo burburi adigoo adeegsanaya farageeto.
  • Ku dar malab oo isku walaaq
  • Duleeli faytamiin E-ga oo ku tuuji. Si fiican iskugu qas.
  • Marso cajiinkan wajiga
  • U daa muddo 20 daqiiqo ah kadibna ka biyo raaci

Moos iyo caanaha la fadhiisiyay (yoghurt)

Moosku waxa uu kobciyaa awood jiidmashada maqaarka (elasticity), halka aashitada “lactic” ee ku jirta caanaha la fadhiisiyay ay jirka qaaddo unugyada dhintay, taas oo wanaajisa bilicda maqaarka.

Waxaa loo baahan yahay

  • 1 xabbo oo moos bisil ah
  • 2 qaaddo oo caanaha la fadhiisiyay ah

Habka isticmaalka

  • Jar jar mooska oo ku rid baaquli
  • Ku burburi farageeto
  • Ku dar caanaha la fadhiisiyay, iskuna qas illaa ay cajiin ka noqdaan.
  • Mari wajiga oo dhan
  • U daa muddo 20 daqiiqo kadibna ka biyo raaci

Moos, saliid saytuun iyo malab

Awoodda dux siinta ee saliid saytuunta marka loo geeyo malab iyo moos waa dawo waxtar badan oo lagula dagaallami karo jir qalleylka.

Habka isticmaalka 

  • Jar jar mooska oo ku rid baaquli.
  • Ku burburi farageeto
  • Ku dar malabka iyo saliid saytuunta oo si fiican iskugu qas.
  • Mari isku-darkan wajigaaga
  • U daa muddo 10 daqiiqo ah kadibna ka mayr.

Moos iyo afakaadho

Afakaadhada waxaa ku jira faytamiinnada C iyo E oo maqaarka nafaqeeya, qalleylkana ka bi’iya. Waxaa kaloo ku jira maaddooyin soo celiya midabka dabiiciga ah ee maqaarka. Moosku waxa uu jirka ka dhigaa mid jilicsan waanaa uu qooyaa.

Waxaa loo baahan yahay

  • jab moos ah
  • Jeex afakaadho ah

Habka isticmaalka

  • Ku rid mooska iyo afakaadhada baaquli oo burburi
  • Mari cajiinka wajigaaga oo dhan
  • U daa 20 daqiiqo Kabina ka mayr

Daryeel Magazine

Hadalsame Media