Maxaa ka jira in dawada jilcisada laga qaado nooc ka mid ah kansarka ugu halisan?

0

(Hadalsame) O8 Nof 2023 – Kumannaan haween madow ah oo ku nool dalka Mareykanka ayaa dhowaanahan ka cabanayay jilcisooyinka timah aloo isticmaalo, noocyadooda kala duwan, iyagoo sheegay inay u sababeen xanuunno.

Sheila Bush, oo ku takhasustay qurxinta, kuna nool magaalada St. Louis ee dalkaas Mareykanka, waxay ku sintiicsaneyd kursigeeda, markii ay telefishinka ka aragtay xayeyesiika shirkad arrimaha sharciga ka shaqeysa, oo daawadayaasha ku boorrineysa inay soo wacaan nambar bilaash ah haddii iyaga amaba qaraabadooda ay dhibaato kasoo gaartay jilcisada, gaar ahaanna kansarka makaanka ku dhaca.

Kaddib markii ay sadedx jeer aragtay xayeyesiinta, ayay Bush, oo sheegtay in lixdii toddobaadba ay mar isticmaasho jilcisada lagana helay kansarka makaanka 10 sano kahor, go’aansatay inay wacdo nambarka.

Xayeysiinta ay Bush ku aragtay telefishinka iyo baraha bulshada, waxay qeyb ka ahayd dadaal guud ahaan dalkaas ay ka wadaan shirkadaha sharciga oo ka codsanaya haweenka madow inay dacwad kusoo oogaan dhowr shirkadood, waxaana ka mid ah kuwa waaweyn ee L’Oreal iyo Revlon, kuwaasoo iibiya alaabaha timaha jilciya ee ay ku jiraan kiimikooyin sababa khatarta kansarka ilmo-galeenka.

Shirkadahan ayaa lagu eedeynayaa inay ku guul-darreysteen inay u digaan macaamiishooda.

Jilcisooyinka sida kuwa L’Oreal ee Dark & Lovely iyo tan Revlon ee Creme of Nature ayaa inta badan loogu talogalay haweenka madow oo loo suuq geeyo, sida ay muujinayaan eedeymaha.

Shirkadahan L’Oreal iyo Revlon ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in alaabtooda ay soo martay shuruucda badqabka. Waxay intaa raaciyeen in qiimeyn lagu sameeyay aanan lagu arag inay haweenka u sababaan kansar.

jilciso

XIGASHADA SAWIRKA, YVONNE E. MAXWELL

Ben Crump, oo qareen u noqday qoyska George Floyd, ninkii madowga ahaa ee uu sanadkii 2020 Minneapolis ku dilay sarkaal booliis ah, iyo qareen kale oo lagu magacaabo Debrosse Zimmerman, ayaa dacwaddoodii ugu horreysay ka gudbiyay jilcisada iyadoo matalayay Jenny Mitchell oo kasoo jeedda magaalada Missouri.

Wixii intaa ka dambeeyay in ka badan 7,000 oo dacwado kuwaas la mid ah ayaa waxaa gudbiyay qareennada haween cabanayay.

Inkastoo sheegashooyinka sharciga ah ee dacwadda lagu xusay aysan ku jirin wax takoor isir ah, haddana Crump ayaa sheegaya in kiisaskan ay mudan yihiin in loo eego kuwo quseeya xuquuqda rayidka.

Marka loo eego haweenka madow, “iyaga ayaa loogu talogalay si ay ugu noolaadaan habka ay Yurubiyaanku u yaqaannaan quruxda,” ayuu yiri Crump.

Bush, oo 69 jir ah, ayaa Reuters u sheegtay in carruurta caddaanka ah ee iskuulkeeda St. Louis ay ku maadeysan jireen timaheeda.

Inta badan dadka dacwadda soo gudbiyay waa haween aan caddaan ahayn, sida ay sheegtay Jayne Conroy, oo ah qareen ay shirkaddeedu diwaangelisay in ka badan 550 dacwadood oo jilcisooyinka la xiriira.

Soomaalida iyo isticmaalka jilcisada

jilciso

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Jilcisada timaha keliya ma isticmaalaan haweenka Soomaalida qaarkood, balse sidoo kale waxaa isticmaala rag.

Jilcisada waxaa loogu talogalay in lagu jilciyo timaha adag. Waxaa la sheegaa in dadka qabatima ee mar walba marsada aysan iska deyn karin.

Goobaha lagu qurxiyo dumarka Soomaalida iyo dukaamada lagu gado waxyaabaha qurxinta ayaa inta badan lagu arkaa jilcisada sawirka kore ka muuqata iyo kuwo kale oo ay shirkado kale soo saaraanba.

Waa kareemo lagu sameeyay kiimiko loogu talogalay inay tinta taagto, gaar ahaanna kuwa adag.

Waxay kala jejebiyaan waxa isku haya timaha, sidaas darteedna waxay taagaan timaha adag.

Waxaa jira kuwo loo sameeyay siyaabo kala duwan. Jilcisadu waa mid si joogto ah timaha u jilcineysa, balse marka timo cusub ay soo baxaan waxay ahaadaan sidoodii dabiiciga ah oo jileec ma noqdaan.

Dr Cusmaan Gaboose oo ka howlgala Isbitaalka Kenyatta ee magaalada Nairobi ayaa BBC-da u sheegay inay jiri karaan in maaddooyinka ku jira waxyaabahan ay sababaan kansar.

“Warbixinta laga sameeyay weli waa wejiga koowaad. Inkastoo maaddooyinka ku jira ay yihiin kuwo ay waaxda FDA ee Mareykanku ay ansixisay haddana warbixintu waa mid aan weli bisleyn,” ayuu yiri.

Dr Gaboose ayaa sheegay in inkastoo aan baaritaan rasmi ah lagu sameyn xaddiga, haddana kansarkan makaanka uu ku dhacdo haween badan oo Soomaali ah.

“Kansarkan wuxuu ka mid yahay kuwa ugu badan ee haweenku u dhintaan. Waan aragnay kiisas kansarkan oo ku dhacay haweenka,” ayuu yiri.

Dr Gaboose ayaa intaa ku daray inay jiri karaan waxyaabo kale oo sababa xanuunkan kansarka makaanka, sida haddii uu qofku u helo dhaxal ahaan, sida in waalidkiis uu qabay.

Kansarka makaanka iyo haweenka Mareykanka

kansar

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Kansarka makaanka amaba ilmo-galeenka waa kan ugu badan ee ku dhaca hannaanka taranka ee dumarka wuxuuna kusoo badanayaa dalka Mareykanka, gaar ahaanna haweenka madow, sida laga soo xigtay machadka barista ee NIH.

Bulshada Kansarka Mareykanka ayaa ku qiyaasaya in ilaa 66,000 oo kiisas cusub ah oo kansarka makaanka ah laga helay Mareykanka sanadkan dhexdiisa, waxay rubuc ka yar yihiin tirada 297,790 oo ah kiisas cusub oo kansarka naasaha ah, iyo in ka badan 19,710 kiis ee kansarka makaanka ah ee dalkaas laga helay.

Daraasad ay NIH ku sameysay in ka badan 33,000 oo haween ah ayaa lagu ogaaday in kuwa sheegay in isticmaalka jilcisada in ka badan afar jeer sanadkii hore ay labo laab khatar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarkan marka loo eego kuwa aan isticmaalin.

Guud ahaan ilaa 378 haween ah oo daraasadda ka qeyb qaatay ayuu ku dhacay kansarka makaanka.

Baarayaashu xog kama aysan uruurin maddooyinka gaarka ah ee ku jira waxyaabahan ay dumarku isticmaaleen, sida ay sheegtay NIH. Balse Dr. Alexandra White, oo ah hormuudka daraasaddan, ayaa Reuters u sheegtay in waxyaabaha timaha jilciya laga helay maaddooyinka phthalates, parabens, cyclosiloxanes iyo bir, ayna sii deyn karaan maaddada formaldehyde marka la kululeeyo.

Waaxda cunnada iyo dawooyinka Mareykanka ee FDA ayaa qorsheyneysa in bisha April ee sanadka soo socda ay mamnuuci doonto formaldehyde iyo kiimikooyinka sii daaya formaldehyde ee ku jira kiimikooyinka jilcisada lagu daro.

Formaldehyde waxaa lagu yaqaannaa inay sababto kansar sida kan dhiigga ku dhaca, sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

BBC

Hadalsame Media