”Wax baa ku dhici doona” – Iiraan oo Maraykanka u gooddisey haddii la joojin qaayo duqaymaha Gaza

0

(Tehraan) O6 Nof 2023 – Maraykanku wuxuu wajihi doonaa cawaaqib xun haddii aan la soo afjarin colaadda Gaza, sida uu sheegay Wasiirka Difaaca Iran oo arrintan ka digey Axadii.

“Taladeenna aan u jeedinayno Maraykanka waa inay si deg deg ah u joojiyaan dagaalka Gaza oo ay hirgeliyaan xabbad-joojin, haddii kale si adag bay iyaga laftooda wax ugu doonaan,” ayuu yiri Mohammad-Reza Ashtiani, sida ay soo xigatey IRNA.

Iran ayaa ku baaqday in la joojiyo dhiigga daadanaya ee ka socda dhulka Falastiiniyiinta, waxana ay marar badan ku eedaysay Xukuumada Washinton DC inay sii hurinayso xiisadda ka taagan Bariga Dhexe tan iyo markii ay israa’iil bilowday howlgalkeeda millatari ee Gaza kaddib weerar lama filaan ahaa oo ay Xamaas ku qaadeen kuna dileen ku dhowaad 1,400 oo Israeli ah oo u badan rayid.

Horraantii Axaddii, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran, Nasser Kanaani, ayaa sheegay in Israa’iil ay gaysaneyso “dembiyo dagaal iyo xasuuq” iyadoo “taageero buuxda” ka heleysa Dowladda Federaalka Mareykanka.

“Falalka dembiyada ah ee Israa’iil, oo uu si buuxda u taageerayo Maraykanku, waxaa ay muujinayaan ruuxda kibirsan ee Washington taasoo nacayb ka dhex abuuray quruumaha adduunka oo dhan.” ayuu yiri Kanaani, oo sidaa u sheegay Press TV.

Washington ayaa ilaa haatan diiddan inay ku baaqdo xabbad joojin buuxda oo dhexmarta Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo dooratay wax ay ku sheegtay “biririf bini’aadminnimo” taa beddelkeeda.

Hadalsame Media