Maxay tahay inay Soomaalidu ka yeesho murannada & Colaadaha caalamiga ah? (3 tillaabo oo ay tahay inay qaadaan)

0

(Hadalsame) O4 Nof 2023 – Soomaalidu bulsho ahaan iyo dawlad ahaanba waa ay jabtay, si aad u foolxun oo dunida oo dhami ka argagaxday.

Waxaa la arkay markii kowaad adduunkan casriga ah ummad dhan oo dawlad la’aan ah, ummad dhan oo birta is ka wada aslaysa, ummad dhan oo gaajo u le’anaysa, ummad dhan oo barakac ah, ummad dhan oo dalkeedii sidii guri dhillo ciidammo shisheeye galaabaxayaan.

Xaaladda soomaalidu aadamiga wax ay u noqotay cibraqaadasho, waxaana baxay magaca ah “soomaaliyoobid”.

Ummad heerkaa gaadhay haddii ay in uu rejo ka qabto badbaado iyo in ay golaha dadnimada ku soo noqoto, waxaa la gudboon talooyin dhawr ah.

Tan koowaad waa in ay waxii ku dhacay ka dhigato waaya’aragnimo iyo cibraqaadasho oo dhaqankaa ka fogaato, noqotana astaanta nabadda iyo wada noolaanshaha.

Tan labaad waa in ay danteeda burburtay iyo baahideeda xad’dhaafka ah hoos u gu noqoto kana shaqayso hagaajinteeda.

Tan saddexaad waa in ay ka fogaato murannada iyo colaadaha dunida oo ammuuraha dhex ka noqoto, cid walbana saaxiibnimo ka kasbato, si ka duwan istusnimada badownimada ah ee ay hore u eedday.

Maanta waxaa muuqata soomaalidu in ay talooyinkaa beddelkooda ku socoto, taas oo keenaysa in iyadana cadaabta la gu sii hayo.

W; Q: Ibraahim Hawd

Hadalsame Media