KA FAA’IIDAYSO: Sida dabiiciga ah ee aad uga takhalusi karto madowga indhaha hoostooda ku samaysma

0

(Hadalsame) O2 Nof 2023 – Madowga indhaha hoostooda ku samaysma waa cillad ay sheegtaan dad badan, taas oo u ekeysiisa kuwa daallan, da’dooda saxda ahna ka wayn. Nasiib wanaag, waxaa jira dawooyin dabiici ah oo looga takhalusi karo cilladaan, waxaana ka mid ah:

Mask-ha qajaarka iyo baradhada

Qajaarka iyo baradhada waxay si dabiici ah u caddeeyaan maqaarka, waxayna iftiimiyaan indhaha hoostooda.

Xoq qajaarka ama baradhada, ka miir cabitaanka kadibna mari meelaha madowgu fuulay adigoo adeegsanaya cudbi jilicsan. U daa 15 daqiiqo kadibna ka biyo raaci.

Cabitaanka yaanyada iyo cabitaanka liin dhanaanta

Yaanyada iyo liin dhanaanta labadaba waa lagu yaqaannaa inay dhalaaliyaan maqaarka. Cabitaan ka samee yaanyo bisil iyo liin dhanaanta. Baaquli nadiif ah ku shub 1 qaaddo oo cabitaanka yaanyada ah iyo 1 qaaddo oo (qaadada yar ee shaaha) oo cabitaanka liin dhanaanta ah. Si fiican iskugu qas.

Mari wajiga adigoo u deynaya muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah. Biyo diirran ka raaci.

Saliida lawska iyo jeelka dacarta

Saliida lawsku waxa ay hodan ku tahay faytamiin E, kaas oo nafaqeeya maqaarka jilicsan ee isha aaggeeda.

Isku dar dhowr dhibcood oo saliida lawska ah iyo jeelka dacarta oo fresh ah, kadibna si tartiib ah ugu daliig indhaha hoostooda. Ku seexo habeenkii si aad u hesho natiijo fiican.

Biyaha ubaxa (rose water) iyo caano

Mask-ha biyaha ubaxa iyo caanaha waa xal dabiici ah oo yareeya muuqaalka madowga indhaha hoostooda fuula, maqaarka nafaqeeya. Ku bilow inaad isku darto 1 qaaddo biyaha ubaxa ah iyo 1 qaado caano ah.

Adigoo adeegsanaya farahaaga oo nadiif ah ama burush jilicsan mari mask-haan indhaha hoostooda. Marka aad mariso kadib, jiifo oo ku naso muddo 15 illaa 20 daqiiqo ah. Marka uu qallalo, waqtigana uu dhamaado, si dartiib ah wajiga biyo qabow ugu mayr.

Ugu dambeyntii dawooyinkan uu Daryeel Magazine soo gudbiyay waa kuwa dabiici ah, la awoodi karo, diyaarintooduna ay fududahay. Ku darso waxyaabaha aad sida joogtada ah ugu daryeesho jidhkaaga si ay kaaga kaxeeyaan madowga indhaha hoostooda ku samaysma.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media