Dhaqan ceebaysan oo ka jira isbitaallada Muqdisho & Meelo kale oo ay doodi ka taagan tahay

0

(Muqdisho) O2 Nof 2023 – Waxaa qoraalkan sameeyey wiil ka tirsan dhalllinyarads aqoonyahanka ah ee Muqdisho. Wuxuu ku bilaabay:

Bismillah. Waxaan la yaabay iyo su’aalo naftaydu is weydiisay marar badan ayan idiin soo gudbinayaa.

Dhaqaatiirta ka howlgasha Mogadishu hospitals, ma laga wacyi galinkaraa in aysan bukaanada soo booqanaya kalifin, kuna kalifin in ay ka baaraan waxyaabo aan markaa muhiim u ahayn bukaanka, sidoo kale aanan khuseynin baahida caafimaad ee bukaankaas?

Ganacsatada, daawooyinka keena ma lagu wacyi galinkaraa in ay keenan dawo tayo leh umadda ka daayaan qishka iyo khiyaanada?

Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa tayo dhowrka(quality control) ma laga yaabaa in ay xeer iyo digniino ka soo saarto dadka soo dajiya dawooyinka tayadoodu hooseyso?

Ugu dambayn ma laga yaabaa in culimadu iska xil saarto wacyi-galin ku aadan dadka aan kor ku soo sheegay bal in quluubtooda Allah khayr galiyo umadda na ugu adeegaan si aysan khiyaano ku jirin?

FG: Cid gaar ah uma dan lihi

W; Q: Axmed C. Xiddigow

Hadalsame Media