“Jirka xaaskaaga inta ka bannaan annagoo dhan baa xaq u leh in aannu daawanno!!!” – Qoraal aqris mudan

0

(Hadalsame) O1 Nof 2023 – Nin da’da lixdamaadka ku jira, oo in uu reer miyi yahay ay dharkiisa ka muuqato, ayaa tareen dhexdiis kursi ku fariistay.

Waxa tareenka soo koray nin dhallinyaro ah iyo xaaskiisa oo inay mar dhow is guursadeen laga dheehan karo. Waxay fariisteen laba kursi oo reer miyigii ka soo horjeedkiisa ah. Gabadhu waxay xirnayd surwaal Bermuda gaaban iyo shalaan (blouse) leh xargo laga dhex arkayo gacmaheeda iyo laabteeda.

Ninkii dhallinyarada ahaa waxa uu arkay, lana yaabay odaygii reer miyiga ahaa ee

haybadda iyo ixtiraamku ay ka muuqdeen oo xusulka cududdiisa inta uu bowdada ku mutay, calaacashiisa oo duuban garkiisa cuskiyay, gabadhii oo kursiga ku beegan fadhida, indho aad mooddid inay ka dhex dusayaan si dhow ugu eegaya.

Gabadhii isla markiiba waxa ay dareentay degganaan la’aan, ninkeediina inta uu carooday, waxa uu odaygii ku yiri: “Fadlan, nin weyn baad tahaye sharaftaada dhawro, waxa aad samaynaysaa waa ceeb eh, si wacanna u fariiso oo wejigaaga xaaskayga ka leexi”.

Odaygii reer miyiga ahaa ninkii caraysnaa waxa uu ku yiri: “Anigu kugu oran maayo sharaftaada dhawro iyo waa ceeb in aad xaaskaaga dhar caynkan ah u soo gelisid, maxaa yeelay xor baad tahay, haddaad doontidna qaawanaan ha kugula socoto, marba haddii aad adigu raalli ka tahay.

Laakiin waxan ku leeyahay, sababta aad sidan ugu soo lebbistay waa si aannu u aragno oon u daawanno, waana ina kan oo waannu daawanaynaaye, maxaad u caroonaysaa? Eeg inanyahow, jirka xaaskaaga inta ka bannaan annagoo dhan baa xaq u leh in aannu daawanno, inta ka dedanna adiga uun baa xaq u leh in aad daawatid. In aan xoogaa madaxayga soo dhoweeyay haddii aad ka carootayna, hadde maxaan sameeyaa indhagaygu wax quman ma arkaan, in aan si fiican u daawadana waan doonayaaye?”

Ninkii dhallinyarada ahaa hadalkii ayaa ku xirmay, gabadhiina ceeb buu wejigu la casaaday, gaar ahaan keddib markii dadkii tareenka saarnaa ay odaygii reer miyiga ahaa u camireen, iyagoo la dhacsan dersiga uu ninka dhallinyarada ah siiyay.

Ninkii dhallinyarada ahaa inta uu istaagay, oo xaaskiisa gacanta qabsaday, bay tareenkii ka degeen.

Qisadani waxay dersi u tahay kuwa xaasaskooda u oggolaada inay maryo ciriiri ahoo laga dhex arkayo xirtaan, dabadeedna oranaya dadku maxay inoo soo eegayaan. Kuwa caynkaas ahi waxay illowsan yihiin ujeeddada dharka loo xirtaa in aanay qurux ahayne asturaad tahay.

Xilliga jiilaalka, waxaannu aragnaa in la isu asturo baqdin qabowga laga baqayo. Haddaba maxaa diidaya in xilli kasta la isu asturo baqdin cadaabta Alle laga baqayo?

W; D: Sabriye Muuse

Hadalsame Media