Baro labo arrimood oo aysan dad badani ka ogayn fannanaadda Xamdi Bilan

0

(Hadalsame) O1 Nof 2023 – Fannaanadda da’da yar ee Xamdi Bilan ayaa BBC-da uga sheekeysay taariikhdeeda faneed iyo arrimo la xiriira nolosheeda.

Xamdi oo ka tirsan fannaaniinta sida wayn loo xiiseeyo ee ku nool magaalada Muqdisho.

Waxa ay ku dhalatay gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya, balse waxa ay ku barbaartay degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay waxbarashadeeda aasaasiga ah ku soo qaadatay.

Fanka waxay kusoo biirtay 2013-kii ilaa 2014-kii, oo ay ku billowday ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida ay ku shegetay wareysiga gaarka ah ee ay siisay BBC-da.

“Maadaama fanka ay qayb ka yihiin ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, sida dhaantada, wilisiqada iyo ciyaar walba oo hidde iyo dhaqan ah, marka aad kuwaas billowdo sidaas ayaad fanka ugu jirtaa,” ayay tiri Xamdi.

Xamdi Bilan

XIGASHADA SAWIRKA,XAMDI BILAN

Muddo yar kaddib markii ay ciyaaraha dhaqanka wadday, Xamdi Bilan waxa ay billowday in ay si toos ah heesaha ugu luuqayso. Heesteedii ugu horraysay waxa ay soo baxday sanadkii 2015.

Mid ka mid ah heesaheeda loogu jecel yahayna waa “Love Love” oo ay curisay gabar kale oo abwaanad ah oo lagu magacaabo Caraweelo.

Heesaheyga inaan dhageysto ma jecli

Xamdi Bilan oo aan wax ka waydiinnay heesha ay ugu jeceshahay ambunnadeeda ama ay xiisayso dhageysigooda ayaa noo shegetay in shakhsi ahaan aysan u jecleyn inay iyada is-dhagaysato.

“Aniga inaan is-dhagaysto ma jecli,” ayay yiri iyadoo qoslaysa.

“Waa la i dhagaystaa laakiin aniga dookhayga ma aha inaan is-dhagaysto, xitaa qof ila jooga haddii uu iga codsado ama saaxiibbada TikTok ay iga dalbadaan inaan heesahayga u daaro waxaan u daaraa anigoo aan ku faraxsanayn,” ayay sii raacisay.

Waxaa suuragal ah in dad badan aysan horay u ogayn arrinta ku saabsan in Xamdi Bilan aysan jecleyn dhageysiga heesaheeda oo bulshada kale ay aad u jecel yihiin.

Arrinta kale ee laga yaabo in ay yar yihiin dadka ka warqaba waa in fannaanaddan ay sidoo kale tahay ganacsato, ayna iibiso dharka dumarka.

Waxa ay sheegtay in waqtigeeda badankiis ay ku qaadato dukaankeeda dhexdiisa.

Xamdi Bilan

XIGASHADA SAWIRKA,XAMDI BILAN

Hase yeeshee waxay sheegtay in ay jiraan heeso ay fannaaniin kale qaadeen oo ay dhageysigooda jeceshahay.

“Way jiraan fannaaniin aan xiiseeyo oo ay ka mid yihiin kuwii hore, kuwii dhexe iyo kuwa hadda joogaba. Fannaaniintii hore ee aan heesahooda jeclahay waxaa ka mid ah Xabiibo Xasan Tooxow, Khadra Daahir, dhanka raggana waxaan ka xiiseeyaa heesaha Cumar Dhuulle iyo Xasan Aadan Samatar.”

Xamdi waxay intaas ku dartay in horay aysan u samayn hees iyada si gaar ah ugu saabsan ama ka hadlaysa qiso nolosheeda quseysa, balse ay dhawaan rajaunayso inay soo samayso.

BBC

Hadalsame Media