SHAN beenood oo ay madaxda Soomaalidu iska dhaadhiciyaan dhamaadka muddo-xileedkooda

0

(Hadalsame) 31 Okt 2023 – Madaxda Soomaalida intooda badan waa isku midab marka la gaaro muddo dhamaadka xafiiska. Waxay u muuqdan kuwo aan waxba ku qaadan tii lasoo maray.

Waxay maalin walba dib u cunaan wixii ay umadda wanaag tareen intii ay xafiiska umadda hayeen. Waxaa dhaca miir-beel siyaasadeed oo qofka iskaga qasa milkiyadiisa shaqsiga ah iyo milkayada umadda.

Warbixintaan waxaa ku eegayna shan arrimood oo been ah laakiin madaxda Soomaalidu aaminaan marka la gaaro dhammaadka muddo xileedka, kuwaasi oo kala ah;

1. Awood ciidan

Siyaasiga Soomaaliga ah isaga oo og in aan dalkaan cidna xoogi karin, dadka wada hubeysan yahay, ciidanka wada qabiileysan yihiin, oo sidaas xukunka ku yimid ayuu marka dambe isagu tijaabiya inuu dadka xoogi karo.

Cadeymaha ah in aan Soomaaliyada maanta la xoogi karin, dhinac walba oo kamid ah diiwaanka Soomaalida ayaa ugu tageysa. Mid walba oo isku dayay awood sheegasho ciidan fashil ayuu kusoo dhamaaday, haddana laguma waano qaato.

2. Mucaaradnimada oo dambi laga dhigo

Qofka Soomaaliga ah marka uu xukunka haysto wuxuu mucaaradnimada u yaqaana dambi, dhibaato qaran iyo fowdo.

Dhamaadka muddo xileedkiisana wuxuu dadka ugu sheekeeya inay mucaaradka yihiin dad qabiileysan, tabar yar, shacabkuna ay rabin oo kursiga ka qaadan karin. Laakiin khiyaaligaas ayaa inta badan iska dhamaada maalinka doorashada.

3. Fahamka shacabka oo lagu gafo

Madaxda Soomaalidu waxay rumeysan yihiin in shacabka marwalba iskala jiraan qofka xukunka haysta oo aanay kala jecleyn cidda xukumeysa. Taasi waa gaf shacab.

Dadweynuhu xitaa maalinka doorashada dhacdo maalinka ku xigta wey kala qeybsamaan, weyna kala qeybsanaadan illaa uu dhamaado kal xukunkaas.

Majiro shacab aan ku xisaabtamin sanadaha xukunka ee dalkooda, sida ay wax u socdaan iyo rejada aan dhamaanin ee helista hoggaan kasii fiican midka markaas jooga.

4. Kalsoonida dhaqaalaha

Qofka xukunka haysta wuxuu aaminsan yahay inuu isagu dadka ugu lacag badan yahay, waxa uu rabana soconayaan, laakiin marka la gaaro doorashada lacagta waxaa ka xoog badan doonista isbeddelka.

Lacagta akoonnada uga buuxda qofka xukunka haysta dad ayaaba u arka hanti uu ka dhacay xafiisyada dowladda, in laga qaato iyo in loo dhaafana waxay u arkaan isku mid.

Lacagta kama adka rabitaanka isbeddelka, waase mid ay illaa iyo hadda siyaasiyiinta Soomaalidu fahmi la’ayihiin.

5. Been ma sheegayaasha

Madaxda ku jirta xilli dhamaadka xukunkooda waxay ka dhuuntaan dadka runta u sida. Waxay shaqo u abuuran dad iska dhigaya inay iyaga daacad u yihiin, balse u tababaran sida madaxda looga ilaaliyo xaqiiqada.

Dadka waa ku rabaan, lacag ayaa haysata, mucaaradka lama rabo, waa laga cabsanaya, ciidanka ku raba iyo sheekooyin gacan ku sameys ah ayaa saacad saacad loogu harqiyaa qofkaas uu gabalkiisu sii dhacayo.

Laakiin saacadaha doorashada ayuu ogaada inuu ku noola dal ama deegaan aan aheyn halkii uu xukumayay.

Arrimahan si joogto ah ayay usoo noq-noqdaan, welina lama hayo qof kamid ah madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya oo wax ka barta, una guura xaqiiqada oo mucaaradkiisa la hadla, awoodda ciidanka ku beddela mid olole siyaasadeed ah, dib u raadiya kalsoonida shacabka, iska erya kuwa beenta u sheegaya ee xoola doonka oo si miir-qabta ula macaamila dhamaadka muddo xileedkiisa.

Guuleed Muuse, Caasimadda

Hadalsame Media