Soomaali oo lagu eedeeyey inay iibiyaan badeecooyin dhacay & Howlgallo lagu qaaday

0

(Hadalsame) 30 Okt 2023 – Booliiska Koonfur Afrika ayaa ganacsatada gobolka Gauteng waxa ay ku eedeeyeen in ay iibiyaan raashin dhacay iyo badeeco been ah, waxa ayna booliisku sheegeen in ay sameynayaan baaritaano ku aadan arinkaas.

Labadii toddobaad ee u danbeeyay ayay bilaabeen baaritaannada waxaana lagu sameeyay qaar kamid ah goobaha ganacsiga gobolka Gauteng iyo tuulooyin hoos taga oo ay ganacsiyo xooggan ku leeyihiin ajaanibta ay Soomaalida kamid tahay.

Ciidamo Booliis ah, saraakiil ka socda waaxda socdaalka iyo waaxda caafimaadka Dowladda Hoose ee Tshwane ayaa howlgal ka fuliyay dukaamada ganacsiga ee ajaanibta leedahay.

Baaritaannada hordhaca ah ee la sameyay ayaa lagu soo helay badeecooyin dhacay, waxaana la xiray goobihii ganacsi ee lagu qabtay badeecooyinkaas dhacay.

Maxaa ka jira eedeynta loo jeediyay ajaanibta Soomaalidu ku jirto?

Ganacsatada iyo Booliiska oo kulmay
Kulan dhexmaray Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Booliiska Koonfur Afrika

Xaaji Muuse Ganjab waa ganacsade sidoo kalena waa guddoomiyaha guddi ka kooban shan iyo toban xubnood oo odayaal Soomaali ah oo ka shaqeeya joogitaanka Soomaalida ee Koonfur Afrika, waxa aan wax ka weydiinay eedda booliiska eek u saabsan badeecada dhacday.

‘’Booliiska Koofur Afrika ayaa baaritaanno ay sameynayeen waxa ay gudaha ugu galeen dukaamo ganacsi oo ay leeyihiin ajaanibta ka shaqeysata waddankaan, dukaamo badan ayaa la xiray oo lagu helay in ay iibinayeen badeeco dhacday oo qaar kamid ah badeecadaas ayaa dhacsan muddo shan bilood ka badan, dukaamada la xiray waxaa kamid ah kuwo ay Itoobiyaan leeyihiin, kuwo Soomaali ay leeyihiin iyo dukaamo ajaanib kale ay leeyihiin, baaritaankaan ayaa ah mid ku cusub goobaha ganacsiga waana mid muddo yar socon doona inta booliiska xaqiijinayaan badeecooyinka iyo tayadooda’’.

Badeecooyinka dhacay ee baaritaanka hordhaca ah lagu soo qabtay waxaa kamid ah soorta la warshadeeyay, caanaha la qallajiyay ee koombooyinka kujira iyo kuwa caagadaha, waxaa sidoo kale badeecooyinka dhacay kamid ah buskudyada oo noocyo kala duwan leh.

Ajaanibta kala duwan ee ganacsiyada ku leh Koonfur Afrika ayaa dhowr jeer lagu eedeeyay in aysan u hogaansamin sharciyada waddanka u yaal, booliiska ayaana sheegay in ay jiraan badeecooyin badan oo aan marin tayadhowrka oo la iibiyay.

Soor lagu sheegay in ay Bilo kahor dhacday
Mid kamid ah badeecooyinkii dhacay

Soomaalida ku ganacsata Koonfur Africa waxa ay kamid yihiin ajaanib ganacsiyo badan oo waaweyn kuleh gobollo katirsan wadankaas, ganacsatada Soomaalida ah ayaana qaarkood waxa ay bixiyaan badeecooyin aad u badan oo ay siiyaan Dukaamada yaryar, qaarkood ayaa lagu eedeeyay in ay bixiyeen badeecooyin dhacay, sida uu BBC-da u sheegay Muuse Ganjab.

‘’Soomaalida waddankaan waxa ay soo galeen wixii ka danbeeyay 1990 waxa ayna kamid yihiin ajaanibtii ugu horreysay ee ku dhiirrata in ay ganacsiyo ka furtaan wadankaan, waxa ayna soo mareen marxalado kala duwan oo ay kamid yihiin in dukaamo laga dhaco in laga gubo, iyo in xitaa ganacsato laga dilo waxaas oo dhan ayada oo ay jiraan ayaan wali ka dhax shaqeysaneynaa, marar kala duwan ayaa la isku dayay in dagaal siyaasadeysan lagu soo qaaday ganacsiyadeena, eedeyntaana waa waji cusub oo ajaanibta ganacsigooda lagu yareynayo balse waa ay jirtaa in badeecooyin dhacay dukaamada qaar lagu qabtay mana badna.”

Ganacsade
Muuse Ganjab, gudoomiyaha guddi ka shaqeynaya joogitaanka Soomaalida ee Koonfur Africa

Ganacsatada ayaa Badeecooyinka ka soo iibsada warshado kuyaala gudaha wadanka, waxaana ganacsatada ajaanibta ah lagu eedeeyaa in aysan badeecooyinkooda marin goobaha lagu hubiyo tayada alaabaha ay soo iibsadaan.

Goobo badan oo ganacsi ayaa wali u xiran badeecooyinkii dhacay ee lagu qabtay waxaana jira ganacsiyo dib loo furay markii ay buuxiyeen shuruudahii looga baahna waxaa ku jira kuwa ay soomaali lahayd.

Inta badan badeecooyinka lagu iibiyo Koonfur Africa ayaa lagu soo saaraa warshadaha wadanka iyadoona ay yartahay inta dibadda uga timaada,

Koofur Afrika waxa ay kamid tahay waddamo dadkoodu necebyihiin ajaanibta ganacsiyada kuleh gudaha wadankaas waxaana jira koox Koonfur Afrikaan ah oo la baxday Dudula kuwaas oo u ballanqaaday taagerayaashooda in ay wax ka qabanayaan qulqulatooyinka ajaaniibta.

Cabsi wali ku jirta Soomaalida
Dukaamada dib loo furay

Dhaqdhaqaaqyada ajnabi-naceybka ah ayaa sanadihii dambe ku soo badanayay Koonfur Afrika, iyadoo dadka u dhashay waddankaas ay dadka soo-galootiga ah ku eedeynayeen in ay ka qaateen fursadihii shaqo ee ay muwaadiniintu lahaayeen.

Intii ay xiisaddan taagneyd, weerarro lagu beegsanayay dukaamada ajaanibta iyo mudaharaadyo ay sameynayeen dadka maxalliga ah ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo burbur-hantiyeed.

Sanadkii 2019 oo ay dhaceen weerarradii ugu xumaa ee ka dhanka ahaa ajaanibta ku ganacsada dalkaas ayaa la soo tebiyay in uu dhaqaalihiisa hoos u dhacay.

Ajaanib Naceyb
Koonfur Afrikaan Boobaya Goobo Ganacsi

Shaqo-la’aanta xilligaas ka jirtay Koonfur Afrika ayaa lagu qiyaasay 27%. Si guudna, waddankan ku yaalla dhinaca koonfureed ee qaaradda Afrika ayaa ka mid ah dalalka ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee caalamka.

BBC

Hadalsame Media