Shirkad Jarman ah oo si cad dhegaha uga furaysatay inay joojiso iskaashi nukliyeerka ah oo ay Ruushka la leedahay

0

(Hadalsame) 30 Okt 2023 – Shirkadda Jarmanka ah ee Siemens Energy ayaan wax niyad ah u haynin inay fasaqdo qandaraaska ay kula jirto shirkadda Rosatom ee Ruushka laga leeyahay ee ku saabsan mashruucooda Nukliyeerka ah ee ay ka wadaan dalka Hungary, sida uu Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee shirkadda, Joe Kaeser, u sheegay Welt am Sonntag Axaddii.

Shirkaduhu waxay ka wada shaqaynayaan laba curiye oo nukliyeer ah (reactors) oo cusub oo loogu talagalay wershadda korantada ee Paks-2 ee Hungary, taasoo Siemens Energy ay caawinayso dhanka tignoolajiyadda badbaadada.

Mar la waydiiyey inuu faallo ka bixiyo dhaleecaynta shirkadda soo food saartay sababtuna tahay wada shaqaynta joogtada ah ee ay la leedahay shirkadda wayn ee nukliyeerka ee waddanka la cunaqabateeyey ee Ruushka, Kaeser waxa uu sheegay in u hoggaansamid la’aanta qandaraaska ay la gashay Rosatom ay horseedi karto dacwad sharci ah oo ay Hungary ku qaaddo Siemens Energy iyo ganaaxyo culus.

“Waxaa jira hay’ado aan dowli ahayn oo dalbanaya in maamulkeennu uusan u hoggaansamin qandaraasyadan jira kaddibna ay suurtogal tahay inuu na dacweeyo waddankan Midowga Yurub taasoo na saari karto ganaax lacageed oo aan xad lahayn,” ayuu yiri Kaeser.

Waxa uu sidoo kale xusay in go’aanka ah in la sii wado la shaqaynta Rosatom ay u ogolaanayso Siemens Energy inay xaqiijiso amniga wershadda oo ay yarayso cabsida laga qabo xaaladaha deg degga ah ee suurtagalka ah.

Hadalsame Media