Maxaa lagu bedeshey kursigii la dhaafiyey Marwo Bashiir? Laba waxyaabood oo la sheegay

0

(Muqdisho) 28 Okt 2023 – Marwo Bashiir oo ahayd xildhibaanadii Soomaaliyeed ee u tartamaysay madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka ayaa ku guuldareystay booskaas, kadib doorasho ka dhacday waddanka Angola oo ay kula tartamaysay musharrixiin kale oo haween ah.

Balse maanta waxaa sii xoogaysanaya dareen celinta ka dhalatay warqad la sheegay inay kasoo baxday xafiiska Gudoomiayaha Golaha Shacabka Soomaaliya oo lagu sheegay in Soomaaliya ay ka tanaasushay tartanka Kursiga Madaxwaynaha Barlamaaanka Aduunka.

Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in warqadu ahayd mid iyada xitaa lagu been fariimay maadama lagu qoray inay iyadu isaga hartay tartanka.

Waxay intaa ku dartay markii ay aragtay warqada inay xiriir la samaysay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe, balse uusan u sheegin wax sababa.

“Waxba waa isku fahmi waynay gudoomiyaha, wax cadna iima sheegin intaas ka dibna lama xiriirin isna ilama soo xiriiirin” ayey BBC u sheegtay Marwo.

Waxaa kaloo baraha bulshada ku baahay warar ku saabsan in soomaaliya ay doonayso kursiga aan joogtada ahayn ee Qaramada Midoobay iyo ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, sidaasna ay ku badalatay inaan loo tartamin kurisga Madaxwynaha Baarlamaanka Adduunka.

“Waxaan ka arkay baraha bulshada sabab aanan garnayn. Soomaaliya waxay doonaysaa Golaha Ammaanka iyo Bulshada Bariga Afrika, Tansaaniya ayayna uga badalaneysaa, arintaas oo an anigu fahmi waayey,” ayey hadalkeeda raacisey.

Dhanka kale xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibadda ayaay Marwo sheegtay inaysan jirin cid kala soo xiriritay oo arinta kala hadashay, laakin waxay intaa ku dartay inay bilowgii olalaha ay ku garab isatageen oo ay ku faraxsanaayeen inay tartankaan gasho.

Marwo waxay tilmaamay in bilowgii rajadeedu ahayd mid sare balse dhaawac ay u geysatay warqada loo diray.

“Waxaan noqday qof tartamaysay oo dalkeedi liddi ku noqday, taas oo xitaa shaki galisay wakiiladii kale ee wadamada ka qayb galaya doorashada oo niyad jab ay gaarsisay warqadani” ayey tiri Xildhibaan Marwo.

Sida arintaan ku dhacday ayey ku tilmaamtay mid maskaxdeeda ka weyn.

“Isbadalkaan waa mid aan anigu fahmi waayey masuuliyadeedana waxaan qaadanaysa cidii soo abaabushay ee ka danbaysay, koleyba firkadu meel bay ka timi mase doonayo inaan cid gaara farta ku fiiqo”

Xiriiro aan la samaynay gudoonka barlamaanka Soomaaliya si aan wax ugu weydiino arinta ayaan noo suuragalin.

Xildhibaanada kale ee ka hadlay arinta

XILDHIBAAN
Xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur

Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya oo dhankooda ka hadlay sida taageerada uu baarlamaanku ka ceshatay xildhibaanadaan Soomaaliyeed ayaa ku tilmamay wax laga xumaado.

Xildhibaan Cabdiraxman Cabdishakuur Warsame oo BBC-da waraysi siiyey ayaa sheegay inay fajac ku noqotay warqada ka soo baxday Gudoomiyaha barlamaanka oo ah hal dhinac sida uu tilmaamay.

“Anagu waxaan ogayn iyadoo labadii aqal ee barlamaanka ay taageereen gabadha waliba intaas aysan uga harine ay qaaraan u aruuriyeen, xildhibaankastana laga jaray $200. Marka warka hada waa mid fajac ah inuu gudoomiyaha soo qoro warqadan oo uu ku sheegay in dowladda Soomaaliya iyo barlamaanku ku taageersanayn inay qayb ka noqoto tartankaas, waa waxaan la yaabnay,” ayuu yiri xildhibaan Cabdirixmaan Cabdishakuur.

Cabdirixmaan ayaa u arka sababta keentay go’aankaan qalad laga fahmay dowladnimada. ‘oo dowladnimadii loo haysto hanti qof leeyahay oo xiliguu raba qofkuu raba wax ka siin karo markuu rabanna uu u diidi karo’.

“Waxaa loo baahan yahay in la helo waxa gudoomiyuhu u cuskanayo iyo sababta uu saacadan u soo sarayo qoraal noocas ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Sidoo kale Xildhibaano kale oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa siyaabo kala duwan barahooda bulshada ugu soo qoray dareenkooda. Qaarkood ayaa sheegay ‘inay la yaaben warqada ka soo baxdya gudoomiyaha ee arintan la xirirta’.

Waxaan xiriiro la samaynay madaxda Wasarada Arimaha Dibada ee Soomaaliya si an ugu helno jawaabo arintan la xiriirta balse nooma suura galin inaan helo.

Maxay Soomaaliya u danaynaysaa Kursiga Golaha ammaanka?

GOLAHA AMAANKA
Golaha Aamaanka.

Soomaaliya oo quudareyneysay helista kursiga aan joogtadada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa kaalmo iyo garab istaaga olole waydiisatay wadamada geeska Afrika qaarkood, waxaana sida la sheegay kamid ah dalalka la waydiistay garab istaagga Tanzaaniya.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Bare ayaa ka codsaday madaxweynaha Tansaaniya inay ku taageeraan Soomaaliya helista kursigaas.

Fursada ugu weyn ee kursigaan ayaa ah mid siyaasadeed, iyadoo danaha ugu weyn ee Soomaaliya ka yaalla Qaramada midoobay ay kamid yihiin in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaaliya.

Kalkii ugu danbeeyey ee Kenya heshay Kursiga, Soomaaliya ayaa taageertay Jabuuti oo Iyana u loolamaysay kursiga.

Soomaaliya ayaan wali ka quusan inay olalaheeda raadinta sii wado.

Muhiimada Soomaaliya ee Dallada Bulshada Bariga Afrika.

EAC
Calanka EAC

Dowladda Soomaaliya ayaa sida ay marar badan ka sheegtay warbaahinta dadaalkii ugu badnaa galisay sidii dalku ugu biiri lahaa Dalada Bulshada Bariga Afrika oo ah dallad dhaqaale iyo bulsho oo ay ku midaysan yihiin dalal ku yaal bariga iyo bartamaha Afrika.

Codsiga Soomaaliya oo la aqbalay ayaa waxaa socda qorshayaal farsamo oo ay ka wada shaqaynayaan guddiyo labada dhinac ah si loodhamaystiro ku biirista Soomaaliya ee dallada EACC.

Suuq balaaran, isku socodka dadweynaha oo sahlanaada iyo qaadashada hal baasaboor ayaa kamid ah faa’iidooyin dhawr ah oo Soomaaliya ay doonayso inay ka hesho ku biirista dalladaan.

BBC

Hadalsame Media