Maxay tahay arrinta uu sameeyey wiilka RW Netanyahu ee ay ka caroodeen Ciidanka Israel?

0

(Hadalsame) 25 Okt 2023Xaqiiqda ah in wiilka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu oo lagu magacaabo Yair Netanyahu uusan ka mid ahayn 300,000 oo kayd ah oo loo soo daabulay dagaalka Xamaas, laakiin uu weli joogo Florida oo uu ka qabanayo shaqo samafal oo aan faa’iido doon ahayn, ayaa ka caraysiisay qaar ka mid ah askarta kaydka ah ee loogu yeeray waajibaadkooda oo dareemaya cadaalad darro, sida uu sheegay Times of London.

“Yair waxa uu ku raaxaysanayaa noloshiisa xeebta Miami anigoo ku jira jiidda hore,” hal askari, oo mutadawiciinta ka mid ah oo wajahaya Xisbullaah dhanka xadka Lubnaan, ayaa u sheegay wargayska Ingiriiska ah, isagoo codsaday in aan magaciisa la sheegin sababo ammaan dartood, askarigu waxa uu ka cawday in “dadka ka mas’uulka ah dalku” aysan qaadanayn culayska qaybtooda, taas oo hurinaysa “kalsooni la’aan iyo xanaaq.”

”Walaalaheen, aabayaasheen, iyo wiilasheennu, dhammaan waxay aadayaan jiidda hore, laakiin Yaciir weli halkan ma joogo. Mana caawinayso in la dhiso kalsoonida lagu qabo hoggaanka dalka,” ayuu askarigu u sheegay Times isagoo ula jeeda RW. Mid kale ayaa isna sheegay inuu kasoo laabtay Maraykanka si uu u tago jiidda koonfureed ee Gaza.

Dhammaan dadka Israa’iil waxaa waajib ku ah adeeg millateri oo khasab ah ilaa ugu yeeraan da’da 40-jirka. Yaciir Netanyahu waa 32.

Si kastaba ha ahaatee, adeeggiisa Ciidanka Difaaca Israel (IDF) wuxuu ahaa afhayeen e, ma ahayn askari dagaal, waloow taas lafteeda gunuunuc ka jiro.

Hadalsame Media