DARAASAD: Maxay dumarku uga hor gaboobaan ragga? 5 arrimood oo muhim ah oo jira

0

(Hadalsame) 26 Okt 2023Heerarka gabowga waa ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarku, haddii ay ahaan lahayd maskax, jir iyo caadifad, waxaana la xusay in dumarku ay ka hor gaboobaan ragga, inkasta oo celceliska cimriga dumarku ka dheer yahay kan ragga.

Arrintaas waxa keena sababo kala duwan oo iyagu is beddel ku keena dumarka in ka badan inta ay ragga ku keenaan, sababahaasna waxaa kamid ah kuwan soo socda:
1 – Qaan-gaarnimada: Gabdhuhu waxay kaga hormaraan xagga qaan-gaarnimada wiilasha. Gabdhuhu waxay qaan-gaarnimada ku billaabaan da’da 10-14-sano jirka, halka wiilashu ay qaan-gaarnimada billaabaan marka ay 12-16-sano jirka yihiin. Baaluqiddu waxay xiriir la leedahay isbeddellada kiimikaad ee hormoonnada. Isbeddello badan baa ku dhaca haweenka kahor inta aanay kuwa lamid ahi ragga ku dhicin.
2 – Celceliska cimriga dumarka: Marka ay gaaraan da’da konton jirka, dumarka iyo raggu waxa ay ku kala duwan yihiin xagga fahamka farxadda iyo waajihidda isbedellada ay keento da’du. Dumarku si ka dabacsan ragga ayay isbeddelladaas ku wajahaan. Da’daas wixii ka dambeeya, walaaca iyo niyad jabku waa ay ka yaraadaan dumarka, waxana ku kordha xirfadaha naxariista, dhegeysiga iyo dulqaadka.
3 – Rabitaanka Galmada: Inta uu ka gaarayo lixdan sano jir, ninku waxa uu ka fekeraa xiriir galmo ugu yaraan hal mar maalintii. Waxa taas ka duwan haweeneyda oo rabitaanka xiriirkaasi uu hoos uga dhaco sababtoo ah waxa hoos uga dhaca hormoonka Estrogen, gaar ahaan wixii ka dambeeya marka ay caadadu ka go’do.
4 – Maqaarka: Collagen-ka maqaarka dumarka ayaa hoos u dhaca marka loo eego ragga mar kasta oo da’doodu ay weynaato, waana sababta ugu weyn ee laalaabku uu maqaarka haweenka uga soo muuqdo si ka dhaqso badan ragga. Sidoo kale hormoonka testosterone ee ragga ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhaca, kaasoo sababa korodhka dhumucda maqaarka ragga.
5 – Miisaanka: Miisaanka ragga ayaa kor u kaca ilaa ay ka gaaraan da’da konton jirka kaddibna hoos u dhaca mar kale testosterone-ka oo yaraada darteed. Taas beddelkeeda, miisaanka haweenku waa uu kordhaa ilaa da’da 65 sano jirka. Da’daas keddib waxa laga yaabaa inay mar kale miisaan lumiyaan, murqihii jirka oo lumaya darteed.

Daraasado kale waxay iyaguna tilmaamayaan in gabowgu laga yaabo inuu ka muuqan karo lab iyo dheddig, iyadoo ku xiran duruufaha qof kasta, laga billaabo deegaankii uu ku koray, iyo in uu sigaarka ama khamriga cabo, ama uu la kulmay; dhibaato, saboolnimo, ama daryeel caafimaad la’aan.

W; D: Cabdulqaadir Dulyar

Hadalsame Media