“Somalia wada xaajood baan kula jirnaa” – Itoobiya oo mar kale ka hadashay inay deked doonayso

0

(Addis Abeba) 24 Okt 2023 – RW Itoobiya ayaa beri dhowayd dood kulul abuuray kaddib markii uu si bareer ah u sheegay inuu “xoog iyo xeeladba ku doonayo” deked ay adeegsato Itoobiya oo uu ku sheegay “150m oo ka ooman biyo ku hareeraysan.”

Eritrea ayaa si kulul uga jawaabtey waxayna sheegtay inaysan doonayn inay dib ugu noqoto doodihii horay loogu daaley.

Yeelkeede, Adis Ababa, diblomaasi sare ayaa u sheegay East African in Ra’iisul Wasaaruhu uusan ku dhawaaqin dagaal, ee kaliya uu muujiyey baahida Itoobiya u qabto deked.

“Itoobiya waxay u qalantaa inay hesho bad sababo taariikheed, juquraafi siyaasadeed iyo dhaqaale. Helitaankaas waxaa lagu gaari karaa wadahadal. Waa inay joogsataa xaaraannimada in arrintan laga hadlo,” ayuu ku dooday diblomaasigan is qariyey.

“Waxaa jira doorashooyin badan. Waanu kiraysan karnaa, iibsan karnaa ama wada horumarsan karnaa. Waxaan Kenya kala shaqaynaynaa dekedda Lamu. Soomaaliyana waxaanu kala shaqaynaynaa (mid kale). Itoobiya waxay xaq sharci ah u leedahay inay arrintan ka hadasho.” ayuu yiri.

Itoobiya iyo Ereteriya mar waxay ahaayeen hal waddan ilaa 1993-kii markii Asmara ay ka go’day.

Hadalsame Media