Laba ay Somaliland horay ugu khaldantay & Laba hadda looga khaldan yahay

0

(Hadalsame) 24 Okt 2023 – Waxaa horraantii Febraayo uu dagaal ka qarxay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kaasoo u dhexeeyey Ciidanka Maamulka Somaliland iyo dadka degaanka oo ka xumaaday wiil dhallinyaro ahaa oo halkaa lagu diley.

Dagaalkaasi marka laga reebo dadka degaanku wuxuu helay taageero siyaasadeed iyo mid bulsho waxaana taas marka laga reebo rabitaanka shacabka sidoo kale taageerayey 2 arrimood oo ay ku khaldanayd Somaliland kuwaasoo kala ah:

1 – Maamulka Somaliland oo ku doodaya inay xoog ku maamulayaan degaankaasi oo aysan ka go’i karin iyaga, waloow ay isla iyagu 32 sano ku doodayeen inay ”xaq u leeyihiin inay ka go’aan Somalia inteeda kale.”

2 – Markii uu dagaalku qarxay oo ay isku dayeen inay xoog wax ku muquuniyaan halkii ay raaci lahaayeen wadiiqo silmi ah, taasoo sii kicisay shucuurta dadwaynaha xitaa kuwa aan ahayn dadka degaanka.

Labadaas khalad ee ay Somaliland gashay dartood waxaa keentay inay dagaalkii ku guulaysan waydo ilaa jabkii 25-kii Agoosto.

Haatan waxaa jira 2 khalad oo kale oo ay tahay inay ka taxaddaraan dadka SSC iyo kuwa deggan Gobolka Awdal, kaasoo duugaya gartooda maadaama aan dagaalku kaliya u baahnayn weerar ciidan oo qura ee uu sidoo kale u baahan yahay inaad ku taagan tahay qiil laguugu garaabi karo, waana labadan khalad:

1 – Garaad Jaamac Garaad Cali oo la kulmay Ugaas Cabdirashiid ugaas Doodi oo ah ugaaska reer Awdal qaarkood ayaa Somaliland ugu baaqay inay ka ”baxaan gobolka Awdal”, dabcan, waloow uusan Garaadku ku hadlin siyaasadda SSC oo hadda maamul siyaasadeed leh, misna taasi ma aha dood ay tahay inay horseed ka noqoto SSC e waa inay ka timaadaa dadka reer Awdal haddii lasii joogayaan iyo haddii ay ka baxayaan maamulkaasi.

Micnahaygu ma aha inaan taageerayo nidaam gooni-goosad ah, balse misna in gees kasta dalka dab looga dhejiyo oo dagaal sokeeye laga daaro ma aha wax midnimada iyo horumarka dalka anfacaya e waa wax uga daraya xaaladda dadkana isa sii nacsiinaya. SSC sidaan sheegay xaq ayay u leedahay inay u istaagto degaankeeda iskana diiddo nidaamkii aysan ku qanacsanayn, balse gobollada kale waa in dadkooda aayo ahaan loo daayaa.

2AWDAL – Waxaa hadlay siyaasiyiin jooga gudaha Somaliland, iyo qaar kale oo dibed-joog ah oo metela maamulka Awdal State oo aan lahayn joogis maxalli ah. Waxay u guuxeen aragtida ah in Itoobiya deked ama dekedo laga siiyo gobolkaasi.

Yeelkeede, halkaa waxaa ku jira khalad wayn oo istaraatiji ah waayo Itoobiya ma sheegin inay doonayso deked ay maalgashatee waxay caddaysay inay doonayso dhul-badeed ay yeelato, haddii ay waydana ay weliba xoog ku doonayso.

Marka ay halkaa joogto, Awdal State in iyaga oo ka cararaya Somaliland ay hoos galaan Itoobiya waa sida kabajaankii dheriga karsamaya ka boodey ee dabkii dheriga karinayey isku tuuray, mana aha aragti micne istaraatiji ah samaynaysa.

Rabitaanka midnimada dalku waa hal wax, in siyaasad is maqiiq ah marba meel lagula dhaco sida inay gumaysi soo jireen ah la hoos galo oo hadhoow meel laga doonaba la waayana waa arrin kale.

W; Q: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media