Baro dalalka caalamka ee aan ilaa maanta lahayn DASTUUR rasmi ah (Waxaa ku jira dalal waawayn)

0

(Muqdisho) 20 Okt 2023 – Marka aad dal maqasho waxaa waxyaabaha maankaaga kusoo dhacaya ka mid ah calan, dhul iyo dabcan dowlad ka arrimisa, taasoo sida aad fili karto leh dastuur iyo xeerar ay wax ku kala nidaamiso.

Ka sheekee haddii ay jiraan dhowr dal oo aan lahayn wax Dastuur ah oo rasmi ah, kuwaasoo tiro ahaan gaaraya ilaa 5-6 waddan. Micnuhu ma aha inaysan xeerar (reguations) wax nidaamiya lahayn lahayn. Kaliya waxaa ka maqan Dastuur rasmi ah. Arag liiska:

Boqortooyada Ingiriiska (UK)

Boqortooyada Midowdey (UK), ma laha dastuur rasmi ah oo qoran, laakiin waxay leedahay xeerar maamul oo ka yimaada afar ilood oo ay ku jiraan sharciga xaaladeed ee ka yimaada xukuumadda iyo baarlamanka, sharciga guud oo ka yimaada garsoorka, midka heshiiska siyaasadeed, iyo midka goobaha shaqooyinka. Sharciyada ay ansixiyaan Baarlamanka ayaa ah isha ugu dambaysa ee sharciga UK.

Israa’iil

Israa’iil waxay ku shaqaynaysey dastuur la’aan tan iyo go’aankii Harari ee Juun 30, 1950.

Waxa ay muddo ku howllanaayeen dhowr isku day oo uu ku doonayeen inay yeeshaan dastuur si rasmi ah u qoran tan iyo markii lagu dhawaaqay madax-bannaanidooda 1948-kii, laakiin dhammaantood waa kuwo aan lagu guulaysan. Waqtigan xaadirka ah, Israa’iil waxay ku shaqaysaa nidaam sharciyo iyo xuquuqo ah, kuwaasoo leh wax u eg maqaamka dastuurka.

Sacuudi Carabiya

Sacuudi Carabiya ma laha dastuur dad qoray oo rasmi ah, balse waxay sheegtaa inay haysato sharciga aasaasiga ah ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Sunnada Nebi Muxamed (NNKH).

Xeerarka boqortooyadu ay soo saaraan waxay wax ka qabtaan arrimaha casriga ah sida hantida dadka iyo sharciyada shirkadaha. Si loo sameeyo xukun sax ah oo ku salaysan sharciga aasaasiga ah (Sharciga shareecada), garsoorayaashu waxay tixraacaan lix sharci oo raacsan mad’habta Xanbaliga kahor intaysan xukumin, kuwaasoo laga soo qaatay Qur’aanka, Axaadiista (hadalladii iyo caadooyinkii Nabi Muxammad (NNKH), iyo waxyaabihii ay ku dadaaleen (ijtihaad) Saxaabadii Nabigu.

Waxaa jira dalal kale sida Canada, New Zealand iyo San Marino, kuwaasoo leh xeerar aan si rasmi ah u ahayn dastuur buuxa oo hal meel ku qoran.

W; D: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media