Sababaha loo sameeyo qalliinka dhalmada iyo khataraha ka dhalan kara

0

(Hadalsame) 19 Okt 2023 – Qalliinka dhalmada waxaa loo yaqaana marka aysan macquul ahayn in ilmuhu ay soo maraan xubinta dhalmada ee haweenka xiliga dhalmada la gaaro. Waa in qalliin lagu sameeyaa hooyada si  ilmaha looga soo saarayo minka.

Qalliinkaan ayaa la sameeyaa marka ilmuhu aysan soo mari karin xubinta taranka, sida ilmaha miisaanka weyn ama mataanaha ah. Waxaa kale oo qalliinkaan la sameyn karaa marka uurka ay soo wajahaan khatarro kala duwan ama ilmuhu u ku dhex dhinto hooyada. Hooyada lagu soo qalo ilmaheeda koowaad waxaa ay jaanis balaaran u leedahay in mar labaad ama mararka ku xigaba lagu soo qallo.

Waa maxay sababta loo sameeyo qaliinka dhalmada?

Qalliinkaan waa mid ku yimaada sababa kala duwan, dhakhtarka ayaa doorbida qalliinkaan, waana mid lagu kala badbaadinayo hooyada iyo uurjiifka. Sababaha uu ku imaan karo waxaa ka mid ah.

  • Ilma mareenka oo aan si dhamaystiran u furmayn
  • Madaxa uurjiifka oo aad uweyn soona mari karayn ilma mareenka.
  • Ilmaha oo ku dhex dhinta minka ama noqda bilaa ogsijiin.
  • Ilmaha oo minka u dhex jiifa qaab qalloocan.
  • Hooyada oo sida mataano ay adag tahay inay sicaadi ah usoo maraan ilma mareenka.
  • Mandheerta oo isku xirta afaafka hore ee ilma galeenka horna istaagtay soo gudbida uurjiifka.
  • Buro kasoo baxda afaafka hore ee minka taasoo xanibta dhalmada.

Waa maxay khataraha qaliinka dhalmada ka dhalan kara?

Inta badan qalliinkaan waa mid natiijo wanaagsan leh oo lagu guuleysto, dumar badan ayaa dhakhtarkooda ka codsada inuu u sameeyo qalliinkaan iyagoo ka walwal qaba dhalmada kale ee caadiga ah oo wadan karta xanuun, dhiig-bax iyo ku qanacsanaan la’aan. Habkaan ayaa si lamid ah dhalmada caadiga ah wadan kara dhiigbax ka yimaada qalliinka, dhibaatooyin ku yimaada mandheerta iyo khataro kale oo ay kamid yihiin ilmaha xiga oo ay adkaan doonto in sida caadi ah uu usoo maro ilma mareenka.

Qalliinkaan ayaa qaata waqti ka badan dhalmada caadiga ah in laga soo bogsado. Waxaa kamid ah khataraha kale ee ka imaan kara qalliinkaan, dhalaanka oo ay neeftu dhibto qalliinka kadib, waxaana loo sababeeyaa waqtigii ilmaha oo aan buuxsamin ama inuu ku raagay gudaha minka, maqaarka ilmaha oo wax gaari karaan, xuubka minka oo la kulmi kara infekshan ama caabuq, xinjirow iyo dhaawac gaara minka ama boog ku samaysanta gudihiisa.

Qalliinka kadib waxaa muhiimad balaadhan leh in hooyada iyo dhalaanka ay joogaan isbitaalka labo ilaa afar maalin. Tani waxay hooyada siinaysaa niyad wanaagsan. Waxayna daryeel ka helaysaa dhakhtarka iyo kalkaaliyayaasha, waxaana lala soconayaa hadba xaalkeedu sida uu yahay. Inta isbitaalka ay joogto hooyada waa inay isku daydaa socod aan badnayn oo qolka dhexdiisa ah, tani waxay yareynaysaa xinjirowga.

Guriga

Hooyada marka ay guriga joogto waxaa lagama maarmaan ah inay nasato, caloosha oo suun lagu xiro ayadoo lala socodsiinaya dhakhtarka ayaa ah caawimaad u wanaagsan. Biyo ama cabitaan badan ayaa lajoogteeyaa xilliyada hooyadu ay joogto guriga waana inay la xariirtaa dhakhtarka laba ilaa sadixdii maalmoodba mar.

Talo

Hadii aad qalliinkaan marto, waxaa haboon inaad cuntid cunooyin jillicsan, kuwaasoo yaraynaya calool istaaga. Hadii aad dareento wax culeys caafimaad ah oo kusoo wajaha xilligaan la socodsii dhakhtarkaaga.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media