Qalanjadii eedday ilaalinta quruxdeeda (Xog cusub oo kasoo baxday sababtii geerida Sridevi)

0

(Hadalsame) 19 Okt 2023 – Dhimashada atariishada Hindiga ah ee Sridevi ayaan weli la aqoon waxa sababay, hase yeeshee ninkeeda oo filimaanta soo saara Boney Kapoor ayaa waraysigiisii ugu dambeeyay sir shaaca kaga qaaday.

Kaddib geeridii Sridevi, saraakiisha Dubai waxay sheegeen inay u geeriyootay hafasho biyo oo shil ku timid xilli ay qubaysanaysay.

Balse seygeeda Boney Kapoor ayaa dhawaan wareysi gaar ah oo uu bixiyay ku sheegay in dhaqaatiirtu ay diiradda saareen oo kaliya in ay hafatay, halka dhimashada Sridevi ay sidoo kale sababeen cuntadeeda iyo milixda oo ay iska ilaalin jirtay.

Sridevi waxay xaalad shaki leh ugu geeriyootay hotel ku yaala magaalada Dubai ee Isutagga Imaaraatka carabta, 24-kii Febraayo ee sannadkii 2018.

Markii hore waxaa la sheegay inay qabtay wadne xanuun, balse macluumaad markii dambe soo baxay ayaa sheegay inay ku hafatay qolka qubeyska ee huteelka ay daganayd.

Sridevi oo kamid ah atirishooyinka ugu guulaha badan Bollywoodka qarnigi 20-aad ayaa aad looga naxay geerideeda lama filaanka ah ayadoo 54 sano jir ah.

Wareysi uu la yeeshay wariye Rohan Dua oo ka tirsan shabakada wararka ee ‘The New Indian’, filim sameeye Boney Kapoor ayaa sheegay in geerida Sridevi aysan ahayn mid dabiici ah balse ay tahay “shil” wuxuuna dareemay “eedeymaha naxdinta leh ee ah dilka Sridevi” inay ahaayeen wax la sameeyey.”

Boney Kapoor ayaa yiri, “Ma ahayn geeri dabiici ah, waxay ahayd dhimasho shil ah, waxaan go’aansaday in aanan ka hadlin, sababtoo ah waxaan ka hadlay qiyaastii 24 ama 48 saacadood intii lagu jiray baaritaanka dhimashada ka dib. “Xaqiiqdii, saraakiisha ayaa sheegay in arrintan ay nagu qasabtay in cadaadis nagaga yimaado warbaahinta Hindiya. Waxay ogaadeen in Sridevi aan la dilin.”

Sridevi iyo ninkeeda Boney

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Way is gaajaysiin jirtay mar walba

Boney Kapoor ayaa sheegay in sidoo kale la marsiiyey baaritaanka beenta lagu ogaado.

Boney Kapoor ayaa yiri, “Waxaan maray dhammaan noocyada tijaabooyinka, oo ay ku jiraan baaritaanka beenta. Kadibna warbixintii soo baxday waxay si cad u muujinaysaa inay ahayd dhimasho shil ah.

Boney Kapoor ayaa isagoo ku talinaya inaan cusbada laga reebin cuntada, wuxuu sheegay in sababtaas awgeed aad miyir beeli karto, sidii ku dhacday Sridevi , taas oo keentay in mid ka mid ah ilkaheeda hore uu ka jabo kadib markii ay taagnida ka dhacday.

Soo saaraha filimka ‘Mr India’ ee Boney Kapoor ayaa sheegay in Sridevi ay aad u ilaalin jirtay muuqaalkeeda dhanka shaashada ayna ku jirtay cunto xakamayn ka hor geerideeda.

Waxa uu yidhi, “Inta badan way gaajaysnaan jirtay, mar walba waxay rabtay inay muuqaal qurux badan uga muuqato shaashadda.”

Boney Kapoor ayaa sheegay in guurka kadib ay tani dhacday dhowr jeer oo Sridevi ay suuxday dhaqaatiirtuna ay u sheegeen inay qabto dhibaatada dhiig karka.

“Dhakhaatiirtu waxay u sheegeen inay qabto dhibaato cadaadis dhiigga oo hooseeya, sidaas darteed ma ahayn inay aad u yaraysato cuntada iskana goyso cusbada.”

Boney Kapoor waxa uu yiri, “Haweenka intooda badan waxa ay dareemaan in milixdu ay biyaha ku celiso jirka oo aad u muuqanayso qof dibirsan. Tani waxay ahayd hal sabab. Waxa kale oo aan u sheegi jiray in aanay milixda gebi ahaanba ka tegin. Waxaan ku idhi marka aad ansalaato cunayso, xoogaa cusbo ah ku firdhi” balse wuxuu Boney sheegay inay diidi jirtay isla markaana ay u sheegtay in cusbadu ay miisaankeeda sare u qaaddo.

Sridevi

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Talada Boney Kapoor

Si kastaba ha ahaatee, khabiirka cuntada Dr. Nausheen Abbas, mar ay la hadlaysay weriyaha BBC Urdu, Azam Khan, ayaa sheegtay in aad u guuri karto dhinaca cuntooyinka saafiga ah si aad uga hortagto dufanka adiga oo isticmaalaya walxaha sida kareemka la cuno iyo subagga (waa qofka ka baqaya in miisaanku ku bato).

Sida laga soo xigtay iyada, tani ma noqon karto qaab nololeed “ma raaci kartid cuntada noocan ah weligaa, haddii aad sidaa sameysidna waxay ku ciyaaraysaa dheelitirnaanta jirka. Cunto xkamaynta noocaan ah waxay halis u tahay jirka sababtoo ah waxay xumeysaa dheelitirka jirka.

Si kastaba ha ahaatee, Seyga Sridevi Boney Kapoor ayaa sheegay inuu aad u taxadarayey wixii markaas ka dambeeyay.

“Marka aan la kulmo saaxiibaday mid ka mid ah ama xaaskiisa, waxaan u sheegaa inay ka fakaraan dheelitirnaanta jirka. Caafimaadkaagu wuxuu ku jiraa gacmahaaga. Xitaa haddii aad cunto xakamayn ku jirto, iska ilaali inaad gadhoi heer xagjir ah. “Ka fogow wax kasta oo kaa doonaya inaad ka go’do waxyaabaha muhiimka ah.”

BBC

Hadalsame Media