Ammaanka MW Maraykanka oo looga baqayo kooxda Xamaas & Sida ay ku dhici karto

0

(Washington, DC) 17 Okt 2023 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Joe Biden ayaa doonaya inuu aqbalo casuumaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee Benjamin Netanyahu si uu u booqdo dalkaasi oo uu taageero ugu muujiyo, Politico ayaa werisey.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Aqalka Cad ayaa ka walaacsan ammaanka Madaxwaynaha Maraykanka ee halkaas, sida ay warbaahinta u sheegeen laba ilo-wareed oo ka tirsan xukuumadda Washington.

Martiqaadkan ayaa la sheegay in la fidiyey markii ay labada hoggaan wada hadleen Sabtigii. Safarka noocan oo kale ah – inta lagu guda jiro iskahorimaadka hubaysan ee Israa’iil ay kula jirto dagaalyahanada Xamaas – wuxuu noqon karaa mid la mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Madaxwaynenimada Biden, kaasoo la mid ah booqashadiisii aan la shaacin ee uu Kiev ku tegey bishii Febraayo, sida ay majaladdu sheegtay.

Kahor safarka Ukraine, Maraykanku wuxuu “la xiriirey Ruushka si uusan u faragelin” qorshaha safarka eBiden. Misna iyadoo qaylodhaanta wiishashka ka diga gantaalaha lagu soo dhoweeyey hoggaamiyaha Maraykanka, markii uu la kulmay Madaxwayne Vladimir Zelensky, weriyeyaasha reer Galbeedku waxay caddeeyeen inaysan jirin wax calaamad ah oo ku saabsan weerar gantaal oo Ruush ah xilligaasi.

“Xamaas, oo ah koox uu Maraykanku u aqoonsaday urur argagixiso, waxay u badan tahay inay weerar daandaansi ah ku qaadaan safarka Madaxwaynaha,” ayuu yiri wargaysku, isagoo soo xiganaya ra’yiga sarkaal Maraykan ah oo u hadlay si qarsoodi ah.

Dhawr sharci-dejiyeyaasha Maraykanka ah oo booqday Israa’iil usbuucii hore ayaa ku khasbanaaday inay cararaan oo gabaad ka dhigtaan meel dhufays-dhuleed ah markii la maqlay qayladhaanta seeriga ka diga weerarka cirka.

Hadalsame Media