Faa’iidooyinka Toonta & Afakaadada la isku daray iyo habka loo diyaariyo (Nafaqada ka buuxda)

0

(Hadalsame) 09 Okt 2023 – Afakaadaha iyo toontu waxa ay leeyihiin dufan si fudud loo diyaarin karo oo caafimaadka u wanaagsan. Sida ay soo xigatay shabakadda Alcarabiya laba xabbo oo afakaadho, iyo 1 illaa 4 laagood oo toon la dhilay ah, malqacadda cuntada lagu cuno oo liin dhanaan ah (Biyaha liinta), saddex malqacadood oo saliidda qumaha, Kamsar la jarjaray iyo milix.

Habka loo diyaarinayo

  1. Afakaadada ayaa la dhilayaa, lafta dhexda ugu jirtana waa laga saarayaa, sida oo kalana diyaarsto toonta oo aad diirka ka dhishay iyo intii kale oo aad wada diyaarsatay.
  2. Isku ridiq / Shiid adiga oo adeegsanaya mishiinka wax lagu qaso ama qalabka kale ee gacanta lagu isticmaalo sida mooyaha iwm. Dhammaan afakaadhada, toonta la dhilay ah, muudka liin dhanaanta, saliidda qumbaha, Kamsarta iyo milixda.
  3. Cajiinka ridiqaas ka soo baxa ku duub warqadda Alamuniyaamta, kaddibna dusha sare kaga sii duub bac. Waa in bacdu ay ka sii sarraysaa Alamuuniyaamta.
  4. muddo marka ay intaas oo isku duubani miiska saarnaato kaddib waxa aynu ka shubaynaa cajiinka oo inta aynu isku markale ku duubno warqadda Alamuuniyaamta aynu ku ridaynaa Tallaagadda, muddo saddex saacadood aan kara yarayn. Si ay isugu dhegto, una fududaato jarjariddeeda iyo isticmaalkeedu. Markaas ayaa uu noqonayaa Mariska / Jaamka caanaha laga sameeyo ee roodhida la marsado oo kale.

Faa’iidooyinka

Afakaadadu waxa ay leedahay faa’iidooyin tiro badan, waxa aanay jidhka siisaa curiyeyaal nafaqo oo tiro boqolkii Garaam ee Afakaadho ah waxaa ku jira;

  1. Boqolkiiba 20 ka mid ah xaddiga uu qofku maalin kasta uga baahan yahay asiidhka Foolik.
  2. boqolkiiba 17 Faytamiin C da maalin kasta jidhku u baahan yahay.
  3. Boqolkiiba 26 Faytamiinka K ah, Boqolkiiba 10 Faytamiin H, boqolkiiba 13 Faytamiinka B6, boqolkiiba 14 Faytamiinka B5, boqolkiiba 14 Bootaasiyaam ah oo ka badan inta aynu ka helno Muuska hodanka ku ah Bootaasiyamka.

Waxa kale oo uu cajiinka aynu samaynay iyo guud ahaan dufanka Afakaadhadu u fiican yihiin caafimaad wadnaha, waxaana ku jira xaddi badan oo macdano kala duwan oo jidhku aanu ka maarmin.

Toonta ayaa iyada waayo-aragnimada laga helay muddada dheer ee la isticmaalayey waxa ay cilmibaadhisuhu muujiyeen in dufanka toontu uu u fiican yahay dejinta dhiigkarka iyo caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Hadalsame Media