Shaaha oo la cabo caloosha oo maran waxaa laga qaadaa cilladahan

0

(Hadalsame) 07 Okt 2023 – Ma ka mid tahay dadka maalintooda ku bilaaba cabbista koob shah ah? Dad badan ayay caado u tahay in maalintooda ku bilaabaan cabbista shaaha. Inkastoo shaahu uu leeyahay faa’idooyin caafimaad sida awoodda sun-saarista (antioxidant) tan oo jirka ku caawiso siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin iyo inuu difaaca jirka xoojiyo, haddana waxa uu keena dhibaatooyin caafimaad haddii la cabbo caloosha oo maran.

Wareer iyo lalabo:

Shaaha aroortii la cabbo waxa ay keentaa firfircooni badan iyo baraarugsani dheeraad ah, laakiin khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in shaahu uusan noqonin waxa ugu horreeya ee aad cabto marka aad gaajaysan tahay. Shaaha waxaa ku jirta maadada caffeine, haddii caloosha oo maran la cabbana waxa uu caloosha ku badiyaa asiidhka wuxuuna keenaa khalkhal dhinaca hormoonnada ah taas oo sababta xasilooni darro nafsi ah iyo dareen aan wanaagsanayn. Cabbista shaaha caloosha oo maran waxaa laga qaadaa wareer iyo lalabo.

Shaqada dheefshiidka:

shaahu waxa uu kordhiyaan heerka asiidhka caloosha, taas oo qofka ku keenta calool olol badan, waana suurtogal in ay nabar caloosha ku keento.

Fuuqbax:

Shaahu kaadida ayuu badiyaa, taas oo jirka biyaha ka saarta, marka aad subixii soo kacdo jirka waxa uu u baahan yahay in la waraabiyo, sababtoo ah saacidhii badnaa ee aad huruday biyo ma aadan cabbin. Marka aad shaaha cabto waxay keeni kartaa fuuqbax taas oo horseedi kartaa murqo xanuun.

Dibbiro:

Dad badan waxay isku arkaan dibbiro marka shaah caddays ah ay cabbaan, Sababtuna waa laktoosta badan ee caanaha ku jirta oo saamaynaysa caloosha maran. Tani waxay keeni kartaa calool istaag iyo gaas. U dulqaadasho la’aanta sokorta laktoos, afka qalaadne lagu dhaho “Lactose intolerance” waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sokorta nooca loo yaqaano “lactose” oo badanaa laga helo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay.

Qofka cillada laktoos qabo wuxuu dareemaa dibbiro, dhuuso badan, shanqar caloosha ah iyo shuban saacado ka dib mar walba uu cuno ama cabo wax ay ku jiraan sokorta “lactose”. Dadka cilladaan qabo waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaano “lactase”, kaasoo shaqadiisa tahay in sonkorta “lactose” uu burburiyo si jirka uga faa’idaysto.

Amateet xumo:

Shaaha bigayska ah oo la cabbo marka ay calooshu maran tahay waxaa lagaa dhaxlaa amateet xumo iyo dibbiro. Haddii aad rabtid inaad shaah cabtid subixii, cab quraacda kadib.

Dhiig yari:

Shaaha waxa uu hoos uu dhiigaa awoodda uu jirku ku nuugi lahaa birta (iron).Dadka ay dhiig yaridu hayso waxaa looga digaa inay shah cabbaan iyagoo gaajaysan. Shaaha, kafeega iyo cabitaanka shukulaatada (cocoa) intaba waxaa ku jiro maaddo loo yaqaanno “Polyphenols”, maadadaan waxay hoos u dhigtaa macdanta birta ee laga helo cuntada. Haddii ay caado kuu tahay in shaaha aad cuntada ku cabtid ama isla markiiba aad ka daba cabtid waxaa hoos u dhaca maadada birta ee dhiigga laga sameeyo maadaama jirka uusan ka faa’idaysan karin birta ku jirta cuntda aad cuntay, taasina waxay keentaa dhiigyarida loo yaqaano “Iron Deficiency Anemia” oo laga wado dhiigyarida ka dhalatay bir la’aanta.

Lalabo:

Shaaha oo la cabbo subixii caloosha oo maran waxay saamaysaa shaqada dheecaanka bayl ee caloosha. Tani waxay keentaa lalabo ama yalaalugo.

Daryeel Magazine

Hadalsame Media