Qorshe cusub oo loosoo wado dalal ay Somalia ka mid tahay (Shir ka dhacay Addis Ababa)

0

(Addis Ababa) 07 Okt 2023 – Goleyaasha Ammaanka ee Qaramada Midoobey iyo Midowga Afrika (AU) ayaa billaabay Khamiistii wadahadallo ku saabsan sidii loo maalgelin lahaa howlgallada nabad ilaalineed ee ka socda qaaradda Afrika ee uu garwadeenka ka yahay ururka Midowga Afrika.

Wadahadalladan ayaa dhacaya inta lagu guda jiro shir sannadeed laba maalmood ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey (UNSC) iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) uga socda magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee AFP.

Bankole Adeoye, oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika ee arrimaha siyaasadda, nabadda, iyo amniga, ayaa ugu baaqay dalalka inay wax ka qabtaan arrinta ku saabsan in la helo “maalgelin la saadaalin karo, ku filan, dabacsan misna iyo waarta” markii uu furayey shirka.

Ururka oo ka kooban 55 waddan ayaa la kulmay caqabado xagga maalgelinta hawlgalladooda nabadeed ah tan iyo markii la aasaasay Nabadda iyo Amniga Afrika sannadkii 2002-dii, iyaga oo si wayn ugu tiirsan ururro uu ka mid yahay Midowga Yurub.

Arrinta maalgelinta ayaa ku jirtey ajendaha UNSC in ka badan toban sano, iyada oo diblomaasi Afrikaan ah oo aan la magacaabini uu u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in waddamada qaaraddu ay raadinayaan samaynta “qaaraan khasab ah” oo la saaro dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobey ee ka qaybqaadanaya howlgallada nabadda.

Sida laga soo xigtey diblamaasiga, labada gole waxay sidoo kale ka wadahadli doonaan xaaladda ammaan ee Afrika, gaar ahaan Suudaan, oo ay dagaallo ba’ani ku dhex marayeen ciidammo iska soo horjeeda ilaa bartamihii bishii Abriil, iyo sidoo kale gobolka “Sahel, Soomaaliya, iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah Congo.”

Warkan ayaa imanaya xilli Midowga Afrika uu taageeray codsigii DF Soomaaliya ay u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee ahaa in muddo saddex bilood ah la hakiyo bixitaanka 3,000 oo askari oo ka tirsan ATMIS, xilli ay waddo dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka socda gobollada dhexe ee dalka.

Dhanka kale, qorshe la yiraahdo ‘Ajendaha Cusub ee Nabadda’ oo uu daabacay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Antonio Guterres bishii Luulyo ayaa xoogga saaraya caqabadaha nabadda iyo ammaanka Afrika, wuxuuna soo jeediyey dib u habayn lagu sameeyo howlgallada Qaramada Midoobey ee goobaha colaadaha.

Hadalsame Media