Faa’idada shaaha SANJABIISHA leh & Xanuunnada halista ah ee lagula tacaali karo

0

(Hadalsame) 06 Okt 2023 — Shaahu waa cabitaan cajiib ah oo qofka siiya tamar uu howl-maalmeedkiisa ku bilaabo. Shaahu malahan waqti gooni ah oo la cabbo, subaxdii ayaa la cabi karaa, habeenkiina waa la cabi karaa, waana cabitaan xambarsaan faa’iidooyin tiro badan oo caafimaad.

Shaaha waa afar nooc waxaana lagu kala magaabaa midabkiisa, waxaa jira shaah cagaaran, shaah madow, shaah cad iyo nooca loo yaqaan oolong tea.

Waxaa la isku waafaqsanyahay in shaaha cagaarani uu yahay shaaha ugu caafimaad badan shaahyada mana ahan midka ay soomaalida cabto.

Soomaalida waxay cabtaa shaaha madow kaas oo isaga xitaa aan faa;ido la’aan ahayn inkasta oo laga faa’ido badan yahay.

Shaaha waxaa ku jiro walxaha sunsaarista oo ka hortagga gabowga xilligiisa ka soo hormara, jirkana ka caawiya la dagaallanka waxyeellada hawada wasakhaysan. Shaaha waxaa lagu darsan karaa dhir kala duwan, kuwaas oo sii kordhinaya waxtarkiisa caafimaad.

Shaaha marka lagu daro sanjabiil faa’idadiisa caafimaad way sii siyaadaa.

Faa’idooyinka shaaha sanjabiisha leh:

Lalabada ama yalaalugada:

Sanjabiishu waa daawo dabiici ah oo si aad u tayo badan ula dagaalanta lalabada (yalaalugada) waxaa Alle ku abuuray awood lalabo dejin iyo matag ka hortag. Waxaa loo isticmaali karaa cabbitaan ahaan ama inyar oo ka mid ah ayaa shaaha lagu darayaa, dhaqso ayayna lalabadu u ba’aysaa.

FG: Inkasta oo ay sanjibiisu xal u noqon karto matagga ay dumarka qaar isku arkaan xilliga uurka bilowgiisa ee wallaca loo yaqaanno, haddana waxa ay khubaradu ku talinayaan in isticmaalka ka hor ay dhakhtarka la tashato.

Cayilka:

Sanjabiishu waxay dhintaa miisaanka. Qaabka loo isticmaalayana waa in sanjabiil qoyan shaaha lagu darsado ama iyadoo qoyan inta biyo lagu milo la cabbo. Cabista shaaha sanjabiisha leh oo la joogteeyo waxay caawisaa misaan dhimista.

Hargabka iyo ifilada:

Shaaha Sanjabiisha leh waxuu joojiyaa qufaca, riiraxyada iyo cuna xanuunka, sanjabiisha oo lagu sameeyay cilmibaaris kala duwan ayaa la isku waafaqay in dawo ahaan loogu adeegsan karo xaaladaha qaar oo uu ka mid yahay hargabka iyo ifilada.

Ka hortagga kansarka:

Daraasado la sameeyay ayaa daahfuray in sanjabiishu ay ka hortagto cudurka kansarka gaar ahaan noocyada kansarka ganaca iyo kansarka malawadka.

Hoos u dhigista hurka (inflamation):

Tani waa mid ka mid ah faa’idooyinka waa wayn ee shaaha sanjabiisha leh. Xanuunnada fangaska faraha cagaha dhexdooda gala iyo roomaatiisamka waxay abuuraan dareen gubasho leh, hur, xanuun daran iyo murqaha iyo kala-goysyada oo barara. Shaaha sanjabiisha leh wuxuu faaido u leedayahay daaweynta xanuunnadaan.

Caafimaadka wadnaha:

Sanjabiishu waxaa loo adeegsan karaa xoojinta caafimaadka wadnaha, maadaama oo ay yarayso heerka dufanka kolestaroolka oo halis ku ah xididada wadnaha. Sidoo kale sanjibiishu waxa ay ka hortagtaa xinjirowga dhiigga, taas oo ka dhigaysa hormoodka dhirta iyo caleenta kala duwan ee caawiya xoojinta caafimaadka wadnaha.

Fa;aidooyinka kale ee shaaha sanjabiisha leh waxaa ka mid ah;

  • Awood siinta difaaca jirka
  • Waxa uu wanaajiyaa wareegga dhiigga
  • Waxa uu yareeyaa xanuunka caadada
  • Wuxuu sare u qaadaa tayada shahwada wuxuuna wanaajiyaa dhalmada ragga

Daryeel Magazine

Hadalsame Media