Maraykanka oo Ukraine siiyey hub uu ka dhacay dal Muslim ah (Sharci yaab leh oo uu adeegsadey)

0

(Hadalsame) 05 Okt 2023 – Washington ayaa turxaan bixisay wax lagu sheegay ”qaab sharci ah” oo hub iyo rasaas Iran laga haysto loogu diri karo Kiev, sida ay CNN Arbacadii kasoo xigteen saraakiil Maraykan ah oo aan la magacaabin.

Taliska dhexe ee millateriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa horraantii toddobaadkan druba gaarsiiyey hal milyan oo rasaas noocan ah dadka reer Ukraine.

Shixnadahani “waxay gacan ka gaysan karaan sahay yaraanta soo food saartay millateriga Ukraine xilli ay lacag iyo qalab badan oo kale ka sugayaan Maraykanka iyo xulafadiisa,” sida laga soo xigtey CNN.

War saxaafadeed Arbacadii soo baxay, taliska CENTCOM waxay ku sheegeen inay soo gabagabeeyeen wareejinta hal milyan oo rasaas ah oo la siiyey Ukraine laba maalmood ka hor.

Milatarigu wuxuu sharraxay in Dowladda Maraykanku “ay hubkan gacanta ku dhigeen Luulyo 20, 2023-kii, iyada oo loo marayo Waaxda Cadaaladda Maraykanka oo sharciyaysay go’aankan ka dhanka ah Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC)”, taasoo ka dhigan in Maraykanku uu kaligii garramay.

Hannaanka la maray ee la wareegidda Hantida Madaniga ah ayaa ah dhaqan u ogolaanaya Dowladda Maraykanka inay la wareegto hantida lagu tuhmo in loo adeegsado fal-dembiyeedyo, waxaana in badan lagu dhaliilaa inay tahay xatooyo cad oo maro lagu dedayo.

Hadalsame Media