Halkee ayay iskala qaadeen gabadhan Soomaaliyeed iyo dhalinyarada Carbeed?

0

(Hadalsame) 03 Okt 2023 – Soomaalida adeegsata baraha bulshada ayaa mararka qaar si wada jir ah u wajahda waxyaabaha qaar. Mararka qaarkood waxaa dhacda in ay shakhsiyaad amaba kooxo bulshooyinka kale ah ay isku af dhaafaan dhanka internet-ka.

“Dagaalka” Soomaalida iyo bulshooyinka kale ku dhex mara baraha bulshada ayaa u badan mid madadaalo iyo tartan u badan balse, mar waliba sidaas ma ahaa oo waxaa dhacda in waxyaabo dhab ah la isku qabto. Tani waxay ku dhacday Xanaan Cali oo ah gabar Soomaaliyeed, baraha bulshadana kusoo gasha (HananChanel) oo is fahan-waa ku dhex maray baraha bulshada iyada iyo shakhsiyaad kale oo aan Soomaali ahayn.

Xannaan waxay ka hadashaa arrimaha Soomaalida sida taariikhda iyo dhaqanka Soomaalida, waxayna ku hadashaa luuqado dhowr ah sida Carabiga, Ingiriiska iyo dabcan Afoomaaliga. Waxay xanaan inta badan ku hadashaa afka carabiga marka ay ka hadlayso baraha bulshada.

Xannaan waxay ku dhalatay waqtina kusoo qaadatay Sucuudiga. Waxayna sidoo kale mar ku noolayd dalka Suuriya, haddase waxay joogtaa Sweden.

Shahaadada kowaad ee jaamacadda oo dhaqaalaha ah waxay ka qaadatay jaamacadda Stolkhom waxayse xiisaysaa isla markaan akhrisaa taariikhda, siiba tan Soomaalida iyo Carabta.

Xagey iskala qaadeen Xannaan iyo nimanka caayey?

Xannaan waxay ka qayb gashaa doodo iyo wada sheekaysiyo ay la yeelato dhalin yar kale oo Carbeed iyada oo markaas dhanka Soomaalida ka socota, balse tani waxay horseedday inay isku af dhaafaan dhaliyaro sida iyadu ay sheegtay Yemeniyiin ah oo caayay iyada iyo Soomaalidaba. Muuqaal barta Tiktok lasoo dhigay isla markaana ay BBC-du aragtay ayaa la maqlayaa nin afka Carabiga ku hadlaya oo Xanaan ku leh “Sharaf iyo akhlaaq ma lihid” isla markaana naclad badan sheegaya.

Balse waxaa intee dheer in barteeda TikTok muddo toddobo maalmood ah laga xannibay inay ka qayb qaadato barnaamijyada tooska ah ee aaladdaas.

Tan waxay u tiirisay in ay dacwado ka gudbiyeen nimankaas ay ismaan dhaafeen iyo dad taageero u ah iyaga, sidaasna muddo kooban looga xayiray barteeda TikTok. Intaas ka dib Xanaan Cali oo inta badan afka Carabiga ku hadasha ayaa markan Soomaalida afkooda ugu sheegtay waxa dhex maray iyada iyo dhalin yarada kale ee Carbeed iyo in xannibaad laga saaray barteeda TikTok.

Zakariye Abdirahmam Nuur (Zaki Bin Xaaji)

XIGASHADA SAWIRKA,ZAKI BIN XAAJI

Zakariye Cabdiraxmaan Nuur oo internet-ka looga yaqaan Zaki Bin Xaaji, isna waa wiil Soomaaliyeed oo baraha bulshad ku difaaca kuna madadaaliya Soomaalida. Zaki wuxuu arkay farriinta Xanaan wuxuuna isla markiiba gaarsiiyey dadkii isaga ku xirnaa isaga oo ugu baaqaya in ay gabadhaas taageero u muujiyaan.

Intaas ka dib Xanaan waxaa kusoo xirmay Soomaali badan waxayna si gaar ah ugu baahday barta Tiktok.

Zaki oo aan wax ka waydiinay halka ay iskala qaadeen Xanaan iyo dadkan carbeed ayaa sheegay in ay “aragtay taarikh ay Soomaalidu leedahay oo ay dalal kale sheeganyaan” isla markaana ay soo dhax gashay si ay u saxdo. Balse sida ay Zaki iyo Xanaan labaduba ka dhawaajiyeen niman Yemen u dhashay sida ay sheeganayaan ayaa ka xanaaqay arrintaas, dood ahaanna ay isku maandhaafeen Xanaan.

Intaas ka dib waxaa akoonka Tiktok ee Xanaan dacwado ka gudbiyey dad ay ku sheegtay kuwa taageeraya mid ka mid ah ragga ay isku maandhaafeen taariikhda Soomaalida. Sidaasna waxaa ganaax 7 maalmood ah Xanaan looga saaray barteeda Tiktok in ay toos (Live) kasoo gasho.

Xanaan oo BBC-da la hadashay ayaa noo sheegtay in ay ka qayb gasho doodo cilmiyeed oo afka carabiga ku baxa, waxaana baraheeda bulshada sal u ah, barta ay ku leedahay YouTube-ka.

Waxay sheegtay inay ay ka hadashay nin Soomaali ah oo “aasaasay” magaalo ku taal dalka Yemen, balse ay ka dudeen yemeniyiintii maqashay iyaga oo ka dhiidhinaya in ay Soomaali ama Afrikaan kale ay saameyn ku lahaayeen dhulkaas.

“Waxay leeyihiin ma jirto, cadeyn looma hayo, waxba kama jiraan,” ayey tiri Xanaan sheegtay in iyadu ay cadeyn taaeriikheed oo qoran soo bandhigtay balse aysan Yemeniyiintu ogoleyn in la ogaado sababo la xiriira nasab iyo cunsur, sida ay hadalka u dhigtay.

“Xogta Carabiga aan kusoo gudbiyaa la igu qabsadaa, halka Soomaalidu ay si toos ah u qaataan oo ay weliba iga codsadaan inaan usoo turjumo kuwa aan Carabiga kusoo gudbiyey,” ayey tiri Xannaan.

Dagaalka internet-ka ayaa markaas kadib baahay kuna fiday Soomaalida iyo Yemeniyiin kale, halkaas oo aflagaaddo iyo weliba hanjabaado la isku dhaafsaday.

Soomaalida ayaa caan ku ah in ay si isku duubni ah ula dagaalaan ciddii ay u arkaan shisheeye ee ay isku mandhaafaan baraha bulshada, waxaana mid ka mid ah codadka sida tooska ah uga baxay barta Tiktok laga maqlayaa mida ka mid ah Yemeniyiinta oo isagu qiraya in Soomaalidu ku awood badan yihiin dhanka baraha bulshad, inkasta oo marka hore ay iyagu isku mashquulsan yihiinna, marka ay timaad cid kale ay ku goobtaan.

Sidaasna waxaa illa hadda socda muuqaalada iyo farriimaha ay labada dhinac isku waydaarsanayaan baraha bulshada siiba TikTok.

Xannaan Cali

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

Markii u horeysay ma aha

Bilowgii sanadkaan waxaa dagaal baraha bulshada ah uu dhexmaray Soomaalida iyo Suudaaniyiinta isticmaasha barta TikTok. Wuxuu ku salaysnaa quruxda iyada oo si gaar ah loogu soo bandhigayay quruxda dadyowga labadaas dal, waxayna dhalinyarada isticmaasha Tiktok ay soo kala bandhigayeen muuqaalo muujinaya quruxda iyo shacbiyadda dadyowga ku kala nool labada wadan ee markaas uu ka dhaxeeyay xifaaltanka quruxda.

Intii uu socday dagaalka ku saleysan xifaaltanka baraha bulshada ayay dhalinyarada ka soo kala jeeda soomaaliya iyo suudan wax ay soo kala bandhigayeen muuqaalo iyo sawirro ay ku muujinayeen in ay uga wanaagsanyihiin midba midka kale.

Dhanka kale kulan isbalansi ciyaareed ah oo si toos ah uga socday barta Tiktok ayna wada ciyaarayeen wiil Soomaali ah iyo wiil Oromo ah ayaa isku badalay dagaal kadib markii daawadayaasha ciyaartaas oo u kala saftay labada dal ay isku aflagaadeeyeen qeybta lagu wadaago fariimaha, waxa ayna isku badashay dagaal bara-bulsho ah oo muddo siisocday, bulshooyinka labada dal ee isticmaala baraha bulshada gaar ahaan aaladda tiktok ayaana hawada isku marinayay dacaayado iyo aflagaadooyin.

Mar kasta oo ay tan oo kale dhacdo waxay u badan tahay in uu markii hore ku lug lahaa oo kaliya hal qof oo Soomaali ah, balse Soomaalida oo badanaa isu gurmata ayaa taageero u muujiya qofka Soomaaliga ah, iyada oo sida haddaba ay sameeyeen taageero dhanka internet-ka ah u muujiyey Xanaan.

W;  D: Axmed Cadceed

Hadalsame Media