Maxay tahay sababta ay Itoobiyaanku Tik Tok u wareejinayaan hees Soomaali ah oo 70meeyadii la sameeyey? (Daawo)

0

(Hadalsame) 01 Okt 2023 – Baraha bulshada gaar ahaan aaladda TikTok-ga ayaa waxaa si weyn looga dhex maqlayay saacadihii lasoo dhaafay hees uu horay ugu luuqeeyay fannaankii weynaa Allaha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec.

Heestaasi waxaa dib u soo qaadday iyadoo erayada qaar ku badashay luuqadda Amxaarigga fannanaad u dhalatay dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Marta Getachew, iyadoo marka ay codkeeda dib ugu qaaday haatan si wayn loola dhacay dad badanna dhagaystaan.

Heestan ayaa halku dhiggeedu yahay “Ladan” balse dadku ay u garan ogyihiin hooriskeeda oo ah “waxan la yaabay”.

Heesaha Soomaalida iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa mararka qaar u muuqda in ay is shabahan marka laga eego luuqda ama laxameynta iyo garaacista qalabka kala duwan ee Muusikada.

Tubeec

XIGASHADA SAWIRKA,.

Maxay caan uga noqotay TikTok?

Heestan ayaa haatan waxaa soo duubay wiil baraha bulshada kusoo gala magaca Wiil Baadiyo, waxa uu inta badan soo duubaa muuqaallo uu jogo meel baadiyo ama miyi ah, muuqaalka uu soo duubay iyo jilliinka erayada heesta ee ‘waxa aan la yaabay’ ayaa soo jiitay dad badan oo qoomiyadaha daga dalka Ethiopia kamida, waxa ay muuqaallo lasoo sameeyeen wiil baadiyo iyagoo sameynaya isla jilliinkii uu sameynayay.

Erayada heesta waxaa kamida:

Waxaan la yaabay

Ama la yaabay

Ma ladoo Ladaneey

Adiga i lumiyeee,lumiyee lumiyee

Ladaney labadeennu aan lamaane ahaanno.

Waxaan u liitoo

Ama u liicay

Ma ladoo Ladaneey

Adigaa i lumiyee…….

Magaca saxda ah ee wiil baadiyo waa Sayid Cumar Khaliif waxa uu ku nool yahay duleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Waxa ku xiran dad ka badan nus milyan, iyadoo muuqaalladiisa ay u badanyihiin kuwa uu ku matalo dhaqanka miyiga.

Marta

XIGASHADA SAWIRKA,.

Sayid Cumar oo aan wax ka weydiinnay heestan uu duubay iyo fal celinta ka dhalatay ayaa yiri: “Anigu heestan in ay gabar Ethiopian ah ku luuqeyneyso ma moodeyn maadama erayada ay ahaayeen erayo af Soomaali ah, maalintii aan soo duubay maalintii xigtay ayaan arkay muuqalkii oo ay daawadeen dad gaaraya in kabadan hal milyan, wan yaabay kadib ayaa la’iisheegay in heesta ay ku luuqeyneyso gabadh aan Soomaali ahayn”.

Isagoo ka hadlaya sida uu heestan kusoo helay markeedii hore ayuu yiri: “Sida caadiga ah aniga oo TikTok-gga iska dhex wareegaya ayey igasoo hor baxday sidaas ayaana u duubay oo iguma jirin saameyn kale oo ay heestu leedahay, hadda waxa aan arkay dad badan oo Ethiopian ah oo muuqaalkeygi qaadanaya, waxa ayna ila noqotay layaab.

Wiil baadiyo ayaa sidoo kale laga arkaa muuqaalladiisa in uusan u badneyn heesaha aan soomaaliga ahayn, maadaama inta badan heesaha uu duubayo uu ku muujiyo jilliin iyo fahanka uu heesta ka haysto.

Muuqaalkii ugu horreeyay ee uu soo bandhigay wiil badiyo isagoo isa saaray codka heesta Ladan ayaa waxaa haatan ay daawashadiisu gaartay in kabadan labo milyan iyo afar boqol oo kun oo daawasho ah.

Sanadahan dambe aaladaha baraha bulshada ayaa lagu arkaa heeso hore oo dadku ay dib usoo cusbooneysiiyaan ama markale lasoo baahiyo kuwaas oo dadku markale ay si aad ah ugu daataan sida hees markaas soo baxday oo kale.

Dhanka kale fanka waayadan dambe ayaa u muuqda mid kudhisan baraha bulshada, iyadoo heesaha cusub lagu qiimeeyo saameynta aha hadal hynta ay ku dhex yeeshaan aaladaha baraha bulshada ee kala duwan.

BBC

Hadalsame Media