“Ruushku waa ka xooggan yahay sidii aan filayney!” – Reer Galbeedka oo sameeyey qiraal yaab leh

0

(London) 30 Sebt 2023 – Khadadka difaaca Ruushka ayaa la xaqiijiyey inay ka adkaysi badan yihiin sidii ay reer Galbeedku markii hore filayeen, sida uu Admiral Sir Tony Radakin, oo ah Abaanduulka Ciidamada Difaaca ee Ingiriisku uu qirtay, isagoo xusay in dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu jiitami doono in muddo ah.

Isagoo ka hadlayey ‘‘War on the Rocks,’ oo ah Podcast Maraykan ah, sarkaalka millateriga ahi wuxuu ku nuuxnuuxsaday in reer Galbeedku ay tahay inay “aad uga taxaddaraan inay ku deg degaan go’aanno fudud” oo ku saabsan weerarka rogaal-celiska ah ee Kiev isagoo sheegay in rajooyinka ku saabsan waxa ciidamada Ukraine ay ku guuleysan karaan mustaqbalka dhow ay tahay “in dib loogu noqdo.”

Radakin waxa uu tilmaamay in bilowgii Kiev ay weerar-celinta xagaagiii ay u baahnayd qalab iyo rasaas badan, taasoo saameyn ku yeelatay guusha howlgalka.

Waxaa sidoo kale jirtey arrin ku saabsan qiimaynta khaldan ee xoogga Ruushka oo la yaraystay.

“Xaqiiqdii, qaar ka mid ah difaacyada Ruushka ayaa aad uga xoog badnaa sidii markii hore la filayey.” ayuu qiray admiral-ku.

Hadalsame Media