Maryan Mursal oo kashiftay sababta ay ku timid hees caan ah oo uu qaado Axmed Cali Cigaal (Dhegeyso)

0

(Muqdisho) 30 Sebt 2023 – Axmed C. Cigaal & Maryan Mursal waxay ahaayeen labo xiddig oo dhalinyaro ah oo fanka iyo heesahu kulmiyeen. Waxay ahayd horrantii toddobaatameeyadii, iyo da’da labaatameeyada, xilliyada geyaanka la midka ah, sida caadiga ah ay usoo feedhaan deydeyashada, haasaawaha iyo guurka.

Fannaanda Maryan Mursal Ciise Bootaan, oo kahor caan-nimada ay fanka heshay kasoo jeeda qoys, aabbe iyo awoowe horteed caan ahaa, oo lagu faano, waxay BBC Somali uga sheekeysay qisadeedii jaceyl ee dhexmartay iyada iyo seygeedii koowaad, hobolka weyn Axmed Cali Cigaal.

“Walaalhi waxa aan jacaylkeenii ka sheekeen karno ma ahan. Labadayadu ba hadda waxaan nahay sodoh iyo sodog, laakiin Axmed Cali Cigaal waa nin gob ah. Nin loo dhigo ma jiro,” ayay tiri Maryan Mursal oo dib u xasuusanaysa dhalinyaro-nimadoodii. Waxay sheegtay inay shaqada fanka ee ay wada hayeen isu-soo dhaweysay, oo ay halkaas iska caashaqeen. Laakiin bilowgii ba haasaawahoodii waxa uu ahaa mid qarsoon, oo aysan dadka badidood ogeyn ilaa goordambe.

“Guurkayaga dadku kuma wada farxin, oo waa laga sheekeeyay, waana la duray,” ayay tiri Maryan Mursal, oo intaas raacisay inay arrimahaas u dhacayeen sababo la xirdhiidha reerka ay ka dhalatay awgeed, iyo heybsoocda Soomaalida dhexdeeda. Waa arrinkii gubay, oo Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” Allaah ha u naxariisto, uu ku dhaliilay dhaqan xumida Soomaalida iyo heybsoocda dhexdooda ah. “Anigu gob ku noqon maayo qof kale gunnimadii,” ayuu yiri Hadraawi, taas oo horseeday tixdii Dhulgariir.

Laakiin waxay Maryan ku ammaantay Axmed Cali Cigaal oo hadda ku nool Mareykanka in uu dhega ka fureystay war-xumida iyo naceybka guurkooda loo muujiyay. Se guurka kahor ba, mar buu jaceylkooda qarka u fuulay in uu haasaawe kusoo dhammaado.

Waa markii haasaawahoodii qarsoodida ahaa ay ku xan qarsatay hablihii kale ee fanaaniinta ahaa ee saxiibada ay ahaayeen, kuwaas oo iyageenna sirtii heyn waayay ee dibeda ula foofay. “Dumarku way is xaal wareystaan, naa yaa la socotaa ayaa la isweydiiyaa,” ayay tiri Maryan, oo gabadhii u sheegtay inay haasaawe iyo sheeko wadaag yihiin Axmed Cali Cigaal. Laakiin warkii baa durbadiiba ku dhex faafay bulshada, oo isla markiiba gaadhay Axmed Cigaal, taas oo ka cadheysiisay oo muddo gaaban na hakad gelisay xidhiidhkoodii.

Waa halkii ay ka curatay heeskii caanka baxay ee Axmed ku luuqeeyay ee ‘Sheekadeennii Nacas’ taas oo uu Axmed ku canaantay in sirtoodii ay banaanka gaysay, sida ay Maryan u sheegtay BBC.

Hadalsame Media