Faa’idada macdanta BIRTA, astaamaha haddii ay jirka ku yaraato & Cunnooyinka laga helo

0

(Hadalsame) 29 Sebt 2023 – Birtu waa macdanta muhiim ah oo jirka ka caawisa in uu sameeyo borootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”. Haemoglobin, oo ah barootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirka u kala qaada curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga.

Hadaba maxaa dhacaya haddii jirku uu heli waayo xadiid ku filan? xadiid oo jirka ku yaraata waxay kentaa xanuunka dhiig yaraanta (anaemia).

Faaidooyinka bacdanta xadiidka:

Ka hortagga dhiig yaraanta (anaemia)

Jirka aadamuhu waxa uu u baahan yahay xadiid si uu u kordhiyo soo saarista “haemoglobin” oo ah barootiin oxygene-ta u kala qaada dhiigga.

Macdanta xadiidka waxay caawisaa daweynta iyo ka hortagga dhiig yarida. Xanuunka dhiig yarida waxa uu leeyahay noocyo kala duwan, laakiin kiisa ugu badan waxa uu ka dhashaa yaraanta macdanta xadiidka.

Xoojinta difaaca jirka:

Xadiidku waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa xoojinta habdhiska difaaca jirka. Waxa ay kordhisaa heerka haemoglobin ee unugyada, nudeyaasha iyo xubnaha, sidaas awgeed, waxay kordhisaa hanaanka bogsashada. Difaaca jirka ee awoodda leh waxa uu la dagaallamaa infekshanada, waxaana uu ka hortagaa cudurrada.

Wanaajinta diirrad-saaryaha iyo u-fiirsiga:

Xadiidku waxa kor u qaadaa diirrad-saaryaha iyo u-fiirsiga waxayna kobcisaa shaqada maskaxda. Macdanta xadiidka oo jirka ku yaraataa waxa ay keentaa in qofka dhugmadiisa iyo xasuustiisu ay hoos u dhacaan.

Kordhinta tamarta:

Xadiidka yaraantu waxay keenta tabar darro, waxayna saameysaa howl-maalmeedka. Xadiid ku filan oo qofku helaa waxay sare u qaadaa tamartiisa maxay yeelay xadiidku waxay curiyaha hawada ee “oxygen” ay gaarsiisaa murqaha iyo maskaxda taas oo muhiim u ah waxqabadka jirka iyo maskaxda.

Caafimaadka uurka:

Xilliga uurka, Soo saarista dhiigga mug leh iyo unugyada dhiigga cas waa ay siyaadaa si uurjiifka koraya loo gaarsiiyo oxygene-ta iyo nafaqooyinka. Si kastaba ha ahaatee, haddii heerka macdanta xadiidka uu hooseeyo, waxa kordha khatarta khatarta dhalmada xilliigeeda ka soo hormarta, ilmaha oo miisaan hooseeya ku dhasho iyo naafonimo maskaxeed.

Xoojinta awoodda murqaha

Helidda xadi ku filan oo xadiid ah waxay murqaha jirka gaarsiisaa oxygene si ay noqdaan kuwa xoog leh oo dabacsan. Tani waxa ay muhiim u tahay adkeysiga ciyaartooyda, waxayna kordhisaa waxqabadkooda. Xadiid yaraantu waxay keentaa in murquhu ay jilcaan.

Wanaajinta hurdada:

Daraasad la sameeyay waxaa lagu arkay in xadiid yaraantu ay xumeyso tayada hurdada, taas oo keenta hurdo la’aan iyo neef ku dhegga xilliga hurdada (sleep apnea):

Astaamaha xadiid yarida:

  • Daal iyo tabar yari
  • Neefta oo ciriiri ku noqota qofka marka uu jimicsi samaynayo
  • Xanuunka cago daalka (Restless Legs Syndrome)
  • Wareer
  • Madax xanuun
  • Cillado wadnaha ah
  • Timaha oo daata

Cunnooyinka qaniga ku ah macdanta xadiidka (iron):

  • Beerka
  • Hilibka
  • Cunnada badda
  • Baytaraafka
  • Koostada
  • Digirta
  • Badarka
  • Siiriyaalka lagu kabay iron-ta
  • Timirta
  • Rootiga lagu xoojiyay xadiidka
  • Lawska

Fitamiin C waxa uu caawiyaa in jirku uu cunnada ka nuugo macdanta xadiidka, sidaas awgeed waa in lagu dedaalo furuutka qaniga ku ah macdantan sida cabitaannada liinta noocyadeeda, cambaha iwm.

W/D: Xirsi Axmed

Hadalsame Media