Dalalka ku qaaraama ciidamada ATMIS oo taageeray codsigii DF Somalia ee muddo kordhinta

0

(Muqdisho) 29 Sebt 2023 – Waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee Uganda, Burundi, Ethiopia, Kenya iyo Djibouti, ayaa taageeray codsigii madaxwenaha Soomaaliya ee ahaa in muddo saddex bilood ah sababo farsamo loo hakiyo bixintaanka wejiga labaad ee ciimadama ATMIS, sida ay xaqiijisay VOA.

Waddamadan, oo qoraal rasmi ah u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa sheegay inay taageero u hayaan codsiga Soomaaliya ee ah in bixintaanka 3,000 oo ciidanka ATMIS ah dib loo digo muddo 90-maalmood ah.

Waddamadan ayaa qoraalkooda ku ammaanay dagaalka dowladda Soomaaliya ay kula jirto Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsigeeda sal uga dhigtay in dhammaan xaaladaha taagan aysan u saamixi karin in ATMIS ay ka wada baxaan fariisimaha ay hadda dalka kaga sugan yihiin.

Hddaba la taliyaha arrimaha amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Guutaale oo khadka Telefonka aan kula xiriiray ayaa weydiiyay waxa tageerada codsigooda ee dalalkan uu uga dhigan yahay ama uu ku kordhin karo howlgallada dowladda Soomaaliya ay ku dooneyso inay dalka kaga saarto kooxda Al-Shabaab.

Hadalsame Media